Xaakimka Caqliga Badan

0
1488

Nin gancsade ah ayaa ceel biyood oo uu lahaa ka iibiyay nin beeraly ah oo lacagtiina ka qaatay. Maalintii ninka beeralayda ahi uu doonay inuu ceelka biyo ka dhaansadao ayuu u diiday ganacasadihii. Waxaana uu ku yidhi “Anigu ceelka ayaan ka iibiyay ee kama aan iibin biyaha ku jira, kuwaasi aniga ayaa iska leh, adiguna ceelka ayaad leedahay. Haddii aad doonayso inaad biyo ka dhaansatana waa inaad lacagta iska bixisaa”. Ninkii beeralayda ahaa wuu diiday arinkaasi waxaana uu u tegay qaadigii magaalada isagoo aad uga cadhooday ganacsadaha.

Qaadiga ayaa doodi labada dhinacba dhegaystay  Markii uu ka bogtay ayuu ninkii ganacsadaha ah ku yidhi “ Ninkaan miyaad ka iibisay ceelka?” , haa ayuu ku jawaabay, laakiin kamaan iibin biyaha ayuu raaciyay.
Qaadiga ayaa ugu jawaabay “ Haddii aad qiratay inaad ka iibisay ceelka, waxa waajib kugu ah inaad biyahaaga kala baxdo, waayo xaq uguma lihid inuu kuugu ilaaliyo weel aad ka iibisay, haddii kale waxaad bixin doontaa kirada si uu kuugu hayo ceelkiisa biyahaaga”.

Taajirkii ayaa gartay inay arinta uu ku fashilamay  waxaana uu maxkamad ka tegay isagoo aad u niyad jabay oo khajilsan, kuna wareejiyay ninkii ceelkii iyo biyihiiba.

Leave a Reply