Cajiibka Beerta Geedaha Dhagaxa Ah

0
509

Beerta  geedaha dhagax ee Iran waxa arrimaha ugu cajiibsan dunida waa goobaha loo dalxiis tago dalkaasi. Beertan ayaa ku taalla magaalada Sirjan e gobolka Kerman ee dalkaasi.

Sida uu daabacay  shafaaq News beertan waxa sameeyay nin  dhegaha iyo indhahaba la’ oo lagu magacaabo Darwish Khan Esfandar sanadkii 1961. Ninkan ayaa ka mudaahaaraday iyadoo dhulkiisa uu beeran jiray ay kala wareegtay dawladdu  oo wakhtigaasi uu hogaaminayay boqortooyadii bahlafi.  Darwiish ayaa intii beertiisa ka hadhay dhirta ka gooyay caleemihii isla markaana dushooda wada dhigay dhagxan , isagoo ula jeeda inay yihiin dhagaxntu midhihii.

Darwaiish Khan ayaa dhintay sanadkii 2007 isagoo weli beertiisu ay dhagaxntaasi tahay, waxaana lagu aasay beerta dhexdeeda.  (www.shafaaq.com)

Leave a Reply