Dalka Dhan Isagaa Ugu nasiib Badan

0
523

Nin Hindi ah oo lagu magcaabo Rathnakran Pilai horena ugu guuleystay in ka badan $ 800,000 bakhtiyaa-nasiibka bishii January ee sanadkii 2018, ayaa helay khasnad aad u badan oo aanu filayn, taasi oo ahayd lacag  qadaadiic ah oo la isticmaali jiray 100 sano ka hor.

  1. Rathnakaran Pillai, oo ayaa qeyb ka mid ah bakhtiyaa-nasiibka uu helay oo dhamayd $ 842,000 ee uu ku iibsaday dhul ku yaal magaaladiisa Kilimanjore, Kerala, India.

Pillai wakhti uu doonayay inuu dhlkiisa beerto ayuu helay dheri dhulka ku aasnaa oo ay ku jiraan 2500 shilin, taasi oo ahayd lacag la isticmaali jiray wakhtigii boqortooyadii Taraafaankaawar, oo maamuli jirtay gobollada Kiiraallada Koonfurta boqolaal sano.

Pillay waxa uu gaadhsiiya mas’uuliyiinta gobolka khasnadda cajiibka ah, waxaana dawladdu u diraysaa Shaybaadh si loogu nadiifiyo, ka dib markii qadaadiicda badankood ay midabka dooga isu bedeleen. Waxaana Qiimaha lacagtan goyn doona khubaro.

Sida lagu baahiyay warbaahinta “ mbs.news” Dawladda ayaa iyaduna qorshaynaysa inay abaal marin weyn siiso ninka HIndiga ah ee nasiibka u helay kuna soo wargeliyay qadaadiicda Qadiimiga ah. Waxaana ay sheegeen inuu yahay ninkani ka dalka dhan ugu nasiibka badan.

Leave a Reply