Nolsohiisa Wuxu Ku Dhamaystay Xabsi!

0
427

Askariga Yang Kyoungjong wuxu u dhashay Kuuriya waxaana lagu daray ciidankii Japan markii ay Kuuriya xukumayeen. Sanadkii 1938 ayuu ka qayb galay dagaalkii  dhex maray Ruushka iyo Japan ee la odhan jiray Khalakhin Goul. Dagaalkaasi ayay ciidamadu Ruushku ku qabteen waxaana lagu xidhay jeelasha Rushka.

Waxaana markii danbe lagu daray ciidankii casaa ee Ruushka  maxaabiistii xidhnayd oo ka mid aha ,kuwaasi oo ka qayb galay dagaalkii Karkiif ee Rushka iyo Nasigii Jarmalka dhex maray sanadki 1943., isla dagaalkaasi ayuu Jarmalku ku qabtay oo maxbuus dagaal ku noqday.

Ciidankii Naasiga jarmalka ayaana markii ay qabsaden Farance ayay maxaabiistii ciidan ka dhigeen oo u qaadeen dhinac Farance.  Normanda ee sanadkii 1944 oo ku dhex maray ciidamadii Maraykanka/ Ingiriiska  iyo kuwii Naasigaang nasiib daro dagaalkaasina waa lagu qabtay waxaana lagu xidhay dalka Ingiriiska isagoo maxabuus dagaal ahaa. Laakiin Yang Kyoungjong  wuxu ku dhintay dalka Maraykanka sanadki 1992  si caadi ah.

 

 

Leave a Reply