Wasiirka Warfaafinta oo Daahfuray Bandhigga Buugaagta Laascaanood

0
466

Qore Khadar M. Xaashi

Laascaanood (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa daah-furay Carwada buugaagta ee magaalada Laascaanood, wasxaanu sheegay in hirgalinteeda uu juhdi badani ka galay xukuumadda taladda dalka heysa.

Furitaankii carwadaasi waxaa ka soo qayb galay, xubno ka mida golaha wasiiradda Somaliland, xubno ka socday labada xisbi mucaarid, qaar ka mida golaha wasiiradda ee DDS, madax dhaqameed, iyo marti sharaf kale.

Munaasibadan oo ka qabsoontay garoonka kubada Cagta ee Cabdi Bile Cabdi ayaa lagu soo bandhigay agabyada hiddaha iyo dhaqanka iyo noocyadda kala duwan ee buugaagta ay bulshooyinkii ka soo qayb galay ay qoreen.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalintu isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Anigo ah afhayeenkii xukuumadda Somaliland waxaa aanu qaadan doona shan boqol oo buug oo loo qaybin doono ragga qorayaasha ah, jawigan iyo inaad na tustaan inaad na garab taagan tihiin waanu idiinka mahad naqeyna, waddo kasta iyo meelkasta oo aad ka soo gasheen, ragga Nayroobi ka yimid iyo ragga Jigjiga ka yimid hawgu horreeyeene, dumarka, fanaaniinta, abwaanada waddada dheer ka yimid.

Haddaad maqasho qoraal waa aqoon, hadaad maqasho af waa wax loo dhasho oo ummadi leedahay, Afka Soomaaliga maaha wax aanu xaqireyno ama cidi xaqiri karto, dadku waa uu kala yeelan karaa maamullo iyo soohdimo, wax wuu wada yeelan karaa waxna waa ka dhaxeyn karraan, afka iyo maamulka iyo dawladdnimadu waa kala gaar, dhaqanka ayaynu wadaagnaa afkeynu wadaagnaa, suugaanta ayaynu wadaagnaa, ehelnimo fara badan oo ka baxsan ta maamulka ayaynu wadaagnaa, iskumana khaldana mana lumin doono in af iyo dhaqanka iyo waxaa ay Soomaalidu isu tahay uu yahay wax la luminayo, laakiin labada walaalaha ah ee Hooyo wada dhasho ayaa laba guri kala leh”

Sidoo kale wasiir Koore waxaa uu bulshada reer Laascaanood ku adkeeyay sidii ay nabadgeliyadooda u ilaashan lahaayeen waxaanu yidhi “Cidkasta oo inaga mid ahi waxaa ay leedahay, deegaan iyo dal iyo qayb u dhawran iyo qayb aynu wada leenahay, waanu soo dhaweynana wixii aynu wada leenahay waxaa kale oo aanu soo dhaweyneyna waxaa aynu kala leenahay in aynu kala yeelano, inaga oo ilmaadeera, dad is raba ah, dad kalgacalku ka dhaxeeya ah, dad is doonaya ah, in xukuumaddu bandhigan buugagta Laascaanood soo gaadhsiisaa juhdi yari kuma bixin nabadaasi reer Laascaanood ayaa hogaamiyay, Hargeysa teeda waa ay heysata, Berberi teeda waa ay heysata, Burcana teeda waa ay heysata, laakiin magaca Somaliland ayaa inaga dhaxeeya”

 

 

 

Leave a Reply