Xikmadaha Maanta

0
474

Niyad jabku marna xal kuu noqon maayo . Werwerka iyo walbahaarkuna mushkiladda xal uma ah. Wax kaa  tegay oo ku dhaafayna murugadu masoo celiso.  Waa inaad naftaada barto in qalbigaaga aad ku beertid sabirka.

Waxaad ogaataana in Allah (sw) la jiro kuwa sabra marka ay dhibaato haleesho.

Quruxada iyo wanaagga  nolasha waxaad dareemaysaa markaad maalin kasta oo qoraxadu ay kuu soo baxado aad rumaysato in ay tahay deeq Rabi kaaga timid si aad u furato bog cusub, oo khayr ka buuxo kuna waayo aragto wixii wakhti kaa lumay iyo khasaarihii shalay!..

Maxaa yeelay si kasta oo aad u fikirto marna kuuma soo noqonayo wakhti ku dhaafay. Wejibkuna waa inaad ka faa’iidaysto wakhtiga taagan ee dareemayso.

Leave a Reply