Qisada Huteelku Geerida Ee Mar Kasta Buuxaa!

0
378

Maalin kasta dunida waxa lagu arkayaa arimo ka yaabiya dadka. Dadka degan magaalda Kawsakie ee dalka Japan ayaa caado ka dhigtay in dadka dhinta ay  meel isugu keenaan iyagoo ka dhigaya kuwo jaar ah inta aan xabaasha lagu ridin ee aan la aasin.

Huteelka lagu magacaabo SOUSOU ayaa noqday huteelka buuxiyay hawshaasi. Alberkadan ayaa dadku si isdab joog ah u keenaan maydka iyagoo uga kireeya qolalkii sariir. Sicir halka sariir ayaa ah $ 84 ama 9 kun lacagt Japan ah.

Lacagtan ayaa loo bixiyaa sidii Maydkan loogu hayn lahaa huteelkaasi muddo 4 maalmood ah, iyadoo maydka kale ee la keeno jaar uu la noqon doono marka la aaso.

Huteelkan ayaa leh dhamaan qaboobjiyayaal kala duwan oo maydka lagu haynayo. Maamulayaasha ayaa sheegay in dalabka maydka la keenayo si huteelka loogu hayo uu aad u sareeyo, oo ay qolalka huteelku buuxaan inta badan.

Leave a Reply