Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo ka Qayb Galay Kulanka Falaqaynta Qorshaha Horumarinta Somaliland ee Dhanka Maamul Wanaaga

0
374

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Aadam Cilmi ayaa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland kaga qayb galay kulanka falaqaynta iyo ka doodidda qorshaha horumarineed ee Somaliland ee dhanka maamul wanaagga oo ay hoos yimadaan arrimaha ammaanka, caddaalada, dimuqraadiyada, dhaqaalaha iyo maamul daadejinta.

Kulankan ayaa si xidhiidha uga soconayey labadii sanno u danbeeyey magaalada Hargaysa, taasi oo saddex biloodkiiba mar la qabto, waxaana soo qaban qaabisa wasaarada arimaha gudaha, waxaana ka soo qayb gala, laamaha kala duwan ee dawladda ee uu khuseeyo kulankani oo ay iskugu yimadaan ha’yaddaha calaamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Kulankan ayaa ah mid layskaga xog-waraysto waxyaabihii qabsoomay iyo waxybaaha aan qabsoomin iyo dejinta qorshaha saddexda biloodka ah ee kan xiga waxyaabaha laysla wadaago si loo soo bandhigo waxa qabsoomay.

Wasiir Maxamed Xaaji Aaden Cilmi oo ay wasaaraddiisu ka mid tahay wasaaradaha kulankani khuseeyo ayaa hadal ka jeediyay madashaasi, waxaana hadalladiisi kamid ahaa “Waxaynu manta isugu nimi kulanka wadagaayaasha maamul wanaagga oo ah mawduuca ugu muhiimsan, uguna ballaadhan qorshaha horumarinta qaranka Somaliland (NDP 2).

Wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arimaha dastuurka Somaliland waxa kale oo uu ka warramay waxybaaha kala duwan ee qabsoomay wasaaradiisa iyo waxybaaha u qorshaysan ka wasaarad ahaa.

 

Leave a Reply