Madaxweynaha DDS oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafti uu Hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland

0
597

Qore Khadar M. Xaashi

Jigjiga (Dawan) -Wafi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Itoobiya ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay, madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumud Cumar, kulankaasi oo ah mid lagu xoojinayo iskaashiga laamaha ammaanka ee DDS iyo Somaliland.

kulankan ayaa waxaa ka qayb galay, masuuliyiinta nabadgelyada deegaanka, saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo saraakiisha ciidamada Somaliland.

Taliyaha guud ee ciidamada Qaranka Somaliland sarreeya gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ka hadlay faa’iidada Somaliland iyo DDS ugu jirta kulankani waxaanu yidhi “Ujeedadu waxaa weeye dhawr arrimood, waxaana ugu weyn sidii aannu iskaga kaashan laheyn nabadgeliyadda, waad ogtihiin oo Geeska Afrika dagaalo ayaa jira ama Shabaab ha ahaato, ama Daacish ha ahaato ama dagaallon kale ha ahaatee, waxyaabahaasi oo nabadgeliyadda khalkhal gelin kara sidii aannu iskaaga kaashan laheyn, ayaa ugu weyna shirkan aanu hada galney, wixii aanu ka wada hadalneyna waanu ka heshiiney waxaana ka mida ahaa koontarabaanka, iyo hubka wixii la koontarabaaninayo in aan wax ka qabano, Tahriibta, iskaashiga xagga xogtana waanu kala qaadaney, nabadgeliyada Somaliland waa nabadgeliyada Itoobiya, nabadgeliyada Itoobiyana waa nabadgeliyada Somaliland, dad isku xidhan oo sidaasi isku ah ayaanu nahay, oo isla hal jidha oo hadii mid wax gaadhan ka kalena uu ka xannuusanayo, markaa aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaya dadka Itoobiya oo waa dad aad u wanaagsan”

Taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDS Jeneral Maxamed Axmed oo isna dhankiisa qodob qodob u dul istaagay waxyaabihii ay ka wada hadleen ayaa waxaanu yidhi “Shirkani waa mid aanu wakhti kasta qabsano, kaasi oo la xidhiidha hay’addaha nabadgeliyada waana markii afraad ee lagu qabto magaalada Diridhaba, kaasi oo ay ka qayb galleen hay’addaha nabadgeliyada ee dawlad deegaanka iyo kuwa Faderaalka ah ba, sida ciidamada Qaranka qaybta Hararge, ciidanka Faderalka booliska ah, iyo hogaaminta hay’adda nabadgeliyada ee Diridhaba, markaa anaga oo intaasa waxaa lagaga wada hadlayay xaalada xuduuda maadaama Somaliland aanu xuduud dheer wada leenahay, agaasina wax badan ay ka soo gallaan ama koontarabaan ha noqoto, ka hortaga Tahriibta, hubka sharcidarada ah sidii loo qabanlahaa ee ama wadankeena ka baxaya ama soo gudbaya, waa ka hortag lagaga hortagayo shirkani”

 

Leave a Reply