Cabdillaahi Jawaan oo Dhaliilay Xisbiyada Mucaaridka ah

0
567

“Aynu wada-hadalno waa aynu heshiinno”

 

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) ayaa sheegay in danta Somaliland aanay ku jirin in Xisbiyadda Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ay qaadacaan wadahadalkii uu ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Cabdillaahi Xaaji Cumar oo shalay u warramayay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu intaasi ku daray in Qabsoomida Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ay dib u dhigtay diidmada Xisbiyadda Mucaaradka ah, taasina ay dhaawacayso sumcadii Somaliland ku la hayd Caalamka.

Cabdillaahi Jawaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mar haddii Madaxweynuhu uu casuumay Xisbiyadda Mucaaradka, Dhaqan ahaan, nidaam xisbi iyo Dimuqraadiyad ahaan ba in ay u tagaan ayay ahayd, meesha ma qabato in ay diidaan. Aynu wada-hadalno waa aynu heshiinno, marka ay hubsadaan waxa uu ula yimaado Madaxweynuhu markaa in ay go’aan qaataan ayay ahayd, laakiin iyaga oo aan aragba in ay yidhaahdaan waanu qaadacnay danta Somaliland kuma jirto. Waxa ay keenaysaa canaatan, taasina sumcadii Somaliland ayay baabiinaysaa.

Siyaasi Cabdillaahi Jawaan, waxa kale oo uu ku eedeeyay xisbiyada mucaraadka ah in ay iyagu iska leeyihiin masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka, waxaanu yidhi “Doorashooyinka waxa dib u dhigay waxay ahayd diidmadii ay Xisbiyadda macaaradka ahi diidayen, anigu talada aan ka bixiyay waxa ay ahayd in Doorashada la galo. Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka waxaa ku tartamaya labo Nin oo ilmaadeer ah, lama xadi karo codkooda, waanay ilaashanayaan. Markaa waxay ahayd in waxa uu u soo bandhigo Madaxweynuhu ay arkaan, haddii ay ku qaqncaan in ay ogolaadaan, waxa ay ku diidayaanna in ay Ummadda u sheegaan ayay ahayd”.

Sidoo kale Cabdilaahi Jawaan ayaa waxa uu sheegay in aanay habboonany in Xisbiyadda Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID in cabashada ay qabaan ay u gudbiyaan Beesha Caalamka. Waxaanu yidhi “Maxkamadda in loo dacwoodo ayay ahayd, waxa lagu yaacayaa Hay’adaha Caalamka, waxaana jooga Hay’adaha dhalinyaro loo keenay in ay shaqada ku bartaan Afrika. Anaggu markaanu joognay Koomishanka Doorashooyinka hay’adaha Caalamka waxba maanu waydiinayn, namay xukumayn, Go’aanna kamay Gaadhayn Beesha Caalamka ee la sheegayo, waa Dawlado danahooda ilaashanaya, danteenana ma ilaalinayaan”.

Leave a Reply