Saynisyahano u dhashay wadanka Mexico ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay caarro nooceedu cusub yahay oo markii ugu horeysay dalkaas lagu arkay ama laga helay, taas oo dadka hal mar qaniinaysa, kadibna is qarinaysa, taas oo qofka ku sii daynaysa Sun.
Caarradan oo ay khubarrada Sayniska ee heshay ku sheegeen magaceeda Loxosceles Tenochtitlan ayay sheegeen in sunteedu tahay mid khatar ah oo sababi karta in qofka ay dhintaan Unugyadiisa Dhiiga iyo kuwa dubka sareba, waxaana qofka diirku ka dhacayaa 40 cm oo halkii ay ka qaniintay ah, iyada oo adag tahay in la daweeyaa.
Carruurta ayay sheegeen in ay khatar badan ku tahay, iyada oo marka ay qaniino Sunta si toos ah ugu sii daynaysa xididada dhiiga, kuwaas oo iyaguna dhiiga raacinaaya Suntaasi, si toos ahna ay u dilayso Unugyada Dhiiga ee Cas cas oo ay burburinayso.
Caarradan waxa helay markii ugu horeysay Khubarrada xarunta UNAM oo dalkaasi u qaabilsan dabagalka xayawaanaadka cusub, sidoo kalena hoos taga jaamacadda Mexico University .
Alejandro Valdez-Mondragon oo ka tirsan khubarrada Biology-ga ee jaamacaddaasi oo ka hadlaayey caarradan ayaa sheegay in Suntan ay caarradu sii daynaysaa ay tahay mid ay isku difaacayso, waxaanu tilmaamay mar uu waraysi gaar ah siinaayo wargeyska The Sun oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay in marka ay qaniinto qofka ay caarradani si deg deg ah u gelayso waxyaalaha Qalabka ah ee Guriga yaalla ama Dal daloolada Gidaaradda Guriga.