Hubka Ugu Caansan Taariikhda!

0
618

Seefta ayaa waayo ahayd hubka ugu xooga badan uguna caansan taariikhda dunida wakhtiyo badan. Waxa kale oo ay ahayd hubka ugu muhiimsan ee lagu dagaallamo iyadoo loo adeegsan jiray jiray weerarka iyo difaaca labadaba.

Wakhtiyadaasi waxa jiray seefo dunida caan ka noqday, oo wakhtigan laga helo xarumaha kaydka taariikhda “Matxafyada”.   Waxaana ka mid ah seeftii uu lahaa Amiir. Cali Binu Abu-Dalib (Rc).

Seeftan oo lagu magacaabi jiray Sayftu Dul-Fiqaar, waxa siiyay Rasuulka Allah (scw) waxaana ay ahayd sida taariikhdu cadaysay seeftii ugu horaysay ee Islaamka loo sameeyo. Seeftan ayaa wakhtigan taalla matxafka ku yaalla dalka Turkiga ee “Topkapi Palace”.

Seefaha xilligan isticmaalkeeda gebi ahaanba lama wada joojin, waxaana jira tartamo lagu qabto dunida oo dhinaca seefaha sida ciyaaraha Olombikada.

Leave a Reply