Garan Casri Ah Oo Lagula Soconaayo Dareemadda Qofka Iyo Caafimaadkiisa Oo La Soo Saaray

0
585

Garankan oo lagu magacaabo E-skin  ayaa ah garan lagu xidhay qalab loogu talo galay in lagula socdo heer kulka kala duwan ee jidhka qofka iyo habka dareemeyaasha jidhku ay u shaqaynayaan.

Garankan ayay u bixiyeen khubarrada samaysay Jidhkii Electronig-ga  ahaa , waxaana waqtigan la filayaa in uu ka baxo tijaabooyinkiisii ugu horeeyey , sidoo kalena uu dhowaan suuqyadda ganacsiga soo galo.

Garankan ayay samaysay shirkad laga lee yahay wadanka Japan, taas oo in muddo ah ku hawlanayd samaynta iyo soo saarista garankan oo habka funaanadaha loo sameeyey, waxaanay ku tilmaameen khubarrada samaysay garankani in ay dhowaan doonayaan in ay wax weyn ka bedelaan habka nololeed ee caalamka, iyaga oo ka dhigaaya mid qof waliba uu la socon karo dhaq dhaqaaqa jidhkiisa.

Garankan E-skin ayaa qofku si fudud ugala socon karaa is bed bedelka jidhkiisa goob kasta iyo goor kasta oo uu joogo, isaga oo aan u baahnayn in cid dibadda ka timid ay la socoto, waxaanu ku talaalayaa garankan Mobile-kiisa gacanta  oo uu hab Bluetooth ahaan ah ugu xidhiidhinaayo.

Garankan ayaa lagu sameeyey waxyaalo Electronic ah , kuwaas oo aan wax dhib ah ku keenayn jidhka, sidoo kalena ah kuwo aad u fudud oo aan qofka culays badan ku keenayn, waxaanay taasi u sahlaysaa  qofka in aanu karahsan xidhashada garankan aadna u jeclaysto, waxaanu u isticmaali karaa qofku saddex qaab oo uu ugu jimicsan karo garankan, waxaana qalabyadda garankan lagu xidhay ikhtiraacay Professor ka tirsan bareyaasha jaamacadda Tokyo ee dalka Japan, isaga oo qalabkan kusoo kordhiyey qaybo ay dadku ku isticmaali karaan ciyaaraha muraayadaha indhaha la adeegsado iyo qayb kale oo jimicsiga ah, kuwaas oo aan hore ugu jirin, waxaanu waqtigaas ka hor ahaa mid la socodka heer kulka jidhka oo keliyaata loo adeegsado.

Garankan waxa kale oo la isticmaali karaa waqtiyo aad u dheer, xataa waqtiyadda hurdada oo lagu seexan karo, isaga oo ka qayb qaadanaaya in aad subaxdii si fudud ugu kacdo shaqada ama goobta waxbarasho ee aad tegayso.

Ilaa 14 qaybood ayuu garankani ka kooban yahay, kuwaas oo fududaynaaya in uu qofku sameeyo dhaq dhaqaaqyo kala duwan oo uu dhaq dhaqaajinaayo jidhkiisu xubnaha uu ka kooban yahay, kuwaas oo u badan qaybta sare ee jidhka, waxa uu sidoo kale qofka si dhib yar ugu ogolaanayaa in uu Neefsado, isaga oo isu dheeli tiraaya Sambabada jidhka hawada maraysa, waxa kale oo uu qofku si fudud ugu ciyaari karaa Garankan ciyaaraha kala duwan ee ay dadku ciyaaraan.

Qalabka garankan ku rakiban ee ka shaqaysiinaaya qaybaha kale ee garanka ayaa ku xidhan Laabta qofka, waxaanu awood u lee yahay in uu macluumaadka oo kale ugu diro Mobile-kiisa isaga oo Bluetooth ahaan ugu diraaya, kuna ogaysiinaaya xaaladiisa, sidoo kalena amaro faraaha, tusaale ahaan odhanaaya Isdeji oo Neefso, sidoo kalena u sheegaaya qofkaas haddii uu u fadhiisto qaab khaldan xiliga uu fadhiyo.

Waxa uu sidaynu soo sheegnay u ogolaanayaa Garankani qofka  in uu ciyaaro ciyaaraha lagu ciyaaro Muraayaddaha waqtigan indhaha lagu xidho ee lagu ciyaaro ciyaaraha kala duwan, iyada oo uu qofku boodi karo, ordi karo , sidoo kalena habab kale u ciyaari karo,waxa kale oo uu u ogolaanayaa qofka in uu qofku si fudud ugu ciyaaro goobo ka baxsan guriga oo dibadda ah.

Garankan ayaa dhinaca maydhitaanka kala mid ah garamada kale ee sida caadiga ah loogu maydho maryaha, iyada oo lagu dhex dari karo maryahaas laguna dhex maydhi karo, iyada oo laga furaayo qalabka laabta ee hawshan kala hagaaya oo isaga biyaha laga ilaalinaayo, waxaana loo qalajinayaa sida caadiga ah , iyada oo sida dharka kale la wadhaayo.

Khubarrada garankan samaysay ayaa ku guulaystay in ay soo saarana garan habka jidhka oo kale ah, kaas oo lagu kala ogaan karo heer kulka jidhka, garaaca wadnaha iyo sidoo kalena habka shaqo ee qaybo badan oo jidhka kamid ah, waxaanu awood u lee yahay in uu toosiyo habka fadhi ama jiif ee qofka haddii uu khaldamo.

 

Leave a Reply