Diyaaraddo Bedeli Doona Diyaaraddaha Helikabtarta Loo Yaqaano Ee Waqtigan Shacabku Isticmaalo Oo La Soo Saaray, Tijaabooyin-na Lagu Waddo

0
491

Qaybo kamid ah shirkaddaha soo saara diyaaraddaha ayaa sannadihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa soo saarista diyaaraddo cusub oo ay mashaariic ku qaateen, iyaga oo ku guulaystay mashruuca lagu magacaabo E-Vital , kaas oo ay ku guulaysten inay soo saaraan diyaarad laydhka ku shaqaynaysa oo aad u yar.

Sida diyaaradda Helikabtarta oo kale , diyaaradan yari uma baahna garoon weyn oo ay fadhiisato iyo meel ay cararto , laakiin diyaaraddaha waqtigan la samaynaayo ayaa ah kuwo kala duwan oo iyagu u baahan, waana diyaaraddo aad u dheeraynaaya, qaadaayana waxyaalo kala duwan oo muhiim ah,iyaga oo lacag yar iyo waqti yar ku qaadaaya.

Shirkaddahan ayaa diyaaradaha ay soo saareen yihiin kuwo ay ugu talo galeen in lagu adeegsado ama lagu isticmaalo gudaha iyo dibadda magaalooyinka, waxaanay ku doodayaan khubarrada diyaaradahan sameeyey in sannadka 2030-ka ay dunnida la wareegi doonaan shaqadeeda Tagsiga Diyaaradda ah oo dadka u adeegi doona.

Ilaa hadda diyaaradahan E-Vital oo la tijaabiyey ayaa lagu guulaystay in ay duulaan Saacad badhkeed, iyada oo diyaaradahan yar yar loogu talo galay in ay noqdaan kuwo u shaqeeya habka Tagsiyada yar yar oo kale, waxaana samaysay shirkadda lagu magacaabo Volocapter oo laga lee yahay dalka Jarmalka, waana diyaarad leh toban Marawaxadood oo kala duwan, kuwaas oo awood u leh in ay diyaaraddani duuli karto ugu yaraan masaafo dhan 35 km ilaa 110 km/saacadiiba,waxaanay diyaaradahani tijaabooyinkii ugu horeeyey ku mareen hawada wadanka Singapoor oo ah mid kamid ah dawladdaha ugu horeeya ee adeegsada diyaaradaha iyo gawaadhida is wada ee aan Darawalka iyo Duuliyaha lahayn, iyada oo lasoo gebo gebayn doono tijaabooyinkaasi ugu dambayn 2022-ka.

Waxa sidoo kale jira shirkaddo kale oo ka caawinaaya shirkadda Volocapter duulimaadyada iyo deg dega ama xawaaraha diyaaradahan yar yar, kuwaas oo ka shaqaynaaya sidii loo adkayn lahaa Baalasha diyaraddan, loogana dhigi lahaa kuwo si fudud u wareega,  waxaana kamid ah shirkadda Lilium  oo iyadana laga lee yahay dalka Jarmalka , taas oo hore usoo saartay gaadhi Tagsi ah oo laba baal oo keliyaata leh, kaas oo noqday tagsiga ugu dheereeya dhinaca duulimaadka iyo socodkaba adduunka, waxaanu socodka Tagsigan Lilium Flyig Taxi gaadhayaa ilaa 300 km/Saacadiiba.

Sidoo kale Shirkadda Vertical Airspace oo laga lee yahay dalka Ingiriiska ayaa wada in ay kordhiso mudada ay duuli karto diyaarad yar oo ay dhowaan soo saartay , taas oo ay doonayso in ay kordhiso Xawaaraha socodkeeda, waxaanay doonaysaa in ay ka dhigto 200 oo Km/Saacadii, iyada  oo wada dedaal ay ku rajaynayso in ay diyaaraddan kaga dhigto mig ka shaqayn karta magaalooyinka waaweyn ee Ingiriiska, iyada oo sidoo kalena ku xidhaysa Baytariyo u suurto gelinaaya in ay diyaaradan yari duusho masaafo aad u dheer.

Dhinaca kalena Shirkadda Condor Air Aviation ee dalka Ingiriiska ayaa soo saartay diyaarad cusub oo lagu magacaabo White Light Link, taas oo loogu talo galay in lagaga qayb qaato tartanada kala duwan ee caalamiga ah,waxaanay diyaaraddani duuli kartaa 482 km/Saacadiiba, waxaana saaran diyaaradan Baytari ka samaysan Lithium Ion oo ah mid u suurto gelinaaya in ay duusho masaafo aad u dheer, iyada oo xawaare dheer jari karta muddo 5 daqiiqo ah oo ay qofka kaga qarsoomayso.

Sidoo kale Mashaariicda diyaaraddaha cusub waxa kamid ah mashruuca lagu sameeyey diyaaradda Magasweel X57 oo ay samaysay  Wakaaladda diyaaraddaha iyo Hawada sare ee Maraykanka ee NASA, waxa ay diyaaraddani lee dahay 14  Marawaxadood oo ka caawinaaya in ay si fudud u kacdo , duulimaad dheerna u gasho, waxaanay saartay Wakaaladdani diyaaraddan Baytariyo dhawr ah oo u fududaynaaya in ay waqti dheer hawada ku jiri karto, sidoo kalena ay xawaare dheer jari karto, masaafo dheerna socon karto.

Shirkaddaha Awdii iyo Boorshal oo laga lee yahay dalka Jarmalka ayaa iyaguna gacan ka geysanaaya diyaaraddo yar yar oo loo samaynaayo shirkadda AirBus iyo Boeing , kuwaas oo ku shaqayn doona Baytariyadan oo kale, iyaga oo aan u baahanayn waqti badan, laakiin waxa aanu shaki ku jirin in uu isbedel ku iman doono Habka qaadista Rakaabka ee Mustaqbalka.

 

 

Leave a Reply