Hurdo Yarida Oo La Ogaadey Inay Wadnaha Caafimaad Daro Ku Keento

0
1209

Koox Saynisyahano ah oo ka tirsan bareyaasha jaamacadda Colorado  University  oo in muddo ah wadey daraasad ku saabsan xanuunada ku dhaca wadnaha iyo Hurdo la’aanta ama Hurdo yaraanta xidhiidhka caafimaad ee ka dhexeeya ayaa ugu dambayn soo saaray  natiijadda baadhitaankaasi.

Khubarradan ayaa warbixin kooban oo ay ku daabaceen wargeyska The Sun oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay ku sheegay in hurdo yaraantu  iyo hurdo la’aantuba ay keenaan khatar caafimaad oo qofka ah, gaar ahaana caafimaad la’aan dhinaca wadnaha ah , xataa haddii dadkaasi ay sameeyaan Jimicsi joogto ah .

Daraasadan oo ay khubarradani daba socdeen muddo toddoba sanno ah ayay ugu dambayn sheegeen in Nidaamka hurdo ee qofku ay saamayn ku yeellato  caafimaadka qofka, iyaga oo baadhitaano kala duwan ku sameeyey dad gaadhaaya 461,000 oo qof, kuwaas oo hab muttodawacnimo ah uga qayb qaadanaayey cilmibaadhistan, waxaanay dadkani ahaayeen kuwo da’doodu u dhaxayso 40 ilaa 69 sanno.

Waxa ay khubarradani cadeeyeen in  dadka seexda in ka yar lix saacadood maalintii  oo habeenkuna ku jiro  ay suurto gal tahay 20% in uu yeesho Wadne xanuun, marka loo eego dadka seexda 6 ilaa 9 saacadood, iyada oo dadka seexda in ka badan 9 saacadoodna ay iyaga laftoodu khatar ugu jiraan xanuuno kale 34% .

Khubarradan caafimaad waxay sheegeen in dadka seexda 6 ilaa 9 saacadood inta u dhaxaysa in uu ku yar yahay Wadne Xanuunku guud ahaanba, sidoo kalena ay ku yar yihiin xanuunada kale laftoodu.

Waxa kale oo ay natiijadoodan ku sheegeen kooxdan Khubarrada ahi in hurdo la’aantu ay saamayn ku yeellato Xuubabka wadnaha qaybo kamid ah oo ay saamayso, sidoo kalena xididada maskaxda ayay sheegeen in ay cidhiidhi iyo diiqad ka dhigto, taas oo keentay in ay khal khalaan , dhiig badanina maro, ugu dambayna uu dhiig qofka ku furmo , waxa kale oo qofka hurdadiisu yar tahay yaraada sida ay khubarradani sheegeen Dhuuxa lafaha, iyada oo ay hurdo yaraantu sababto Infection badan oo jidhka dibada kasoo gala.

Leave a Reply