Dardaaranka Iyo Xikamadaha

0
492

Ha Xumayn qof ku jecel, hana ku odhan qof ku baahan waxaan ahay mashquul. Ha khiyaamayn qof ku  aaminay. Hana ilaabin qof  ku xusuusan wakhtiga intiisa badan.

Caqliga dadku waa saddex nooc , caqliyada waaweyni waxay ka hadlaan fikradaha iyo hal abuurka, Kuwo dhexena waxay ka faaqidaan arrimaha, laakiin caqliyada yaryari waxay faaleeyaan  dadka, waana ay dhaleeceeyaan, weligoodana ma sheegaan wanaagooda.

Nin xakiim ah ayaa la weydiiyay imisa sano ayaad Jirtay ? Waxaana uu ku jawaabay Caafimaadkaygu wuu wanaagsan yahay. Mar labaad ayaa la weydiiyay  “ Maxaad hanti haysataa “? Waxaana uu ku jawaabay ma jirto wax dayn ah oo la igu leeyahay. Haddana mar kale ayaa la weydiiyay “ Ma leedahay cadow “? . Waxaana uu ku jawaabay  “ Anigu waxaan degenahay oo gurigaygu ku yaalla meel ka fog ehelkayga iyo qaraabadayda”.

Nin indha la’ ayaan habeen u baxay in webiga biyo ka soo cabo, waxaana uu qaatay Faynuusa shidan. Dadkii ayaa weydiiyay maxaad ku falaysaa Faynuuska , ma waxbaad ku arkaysaa? Waxaana uu ku jawaabay , waxaan u qaatay si dadka indhaha qabaa ay ii arkaan.

Leave a Reply