Ma Dameer Ayaad Tahay?!

0
634

Muhiim ma aha in aynu dheg u dhigno hadalada dadka qaar, gaar ahaan marka hadalku yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah.

Hadduu qof igu yidhaahdo dibjir baad tahay uma jawaabo maxaa yeeley waxaan ogahey in aanan aheyn, haduu qof igu yidhaahdo beenaalaad tahay markaaba dib ayaan nafteyda ugu noqdaa markaan ogaado in aanan aheyn uma jawaabo maxaa yeeley si dhaba ayaan nafteyda ugu kalsoonahey.

Waxba ha ka damqan hadalka taban Mid ka mida dadkii hore ee wanaagsanaa ayaa masaajid soo galey, qof masaajidka hurday ayay lugtiisu taabatay ka dibna kii ay lugtu ku dhacdey oo cadheysan ayaa intuu soo boodey yidhi: “Ma dameer baad tahay, waa ku side, maxaad noo jiidhaysaa?!”

Waxaana uu ninkii wanaagsanaa ugu jawaabey: “Maya, Dameer miihi” oo keliya. Qaar ka mida dadkii masaajidka ku sugnaa ayaa damcey inay garaacaan ninkii aflaagadada sameeyay, waxaana uu ku yidhi: “ iskaga taga, ninku wax kale imuu weydiine wuxuu Igu yidhi ma Dameer ayaad tahay aniguna waxaan ugu jawaabey Maya dhibaatana ma jirto”.

Haddaba maxaa keenaya inaynu ahmiyad siino hadalo aad mudnayn in qiime sare la gaadhsiiyo ?

Maxaynu ahmiyad u siinaa wax aan ahmiyadba ku fadhiyin ee aynu uga cadhoonaa arrin aan ina qabaneyn iyo sifo aynaan lahayn.  Dulqaadka waxa ka mid ah in aad xataa iska dhaafto wax run ah. Waan furaha guushaada.  Inaad wax kasta rumaystaa oo dulqaadkuna kugu yaraado waxay soo dhowaysaa guul darada.

 

 

 

Leave a Reply