Shaqaalaha Fiican Ayaa Keena Natiijada Wanaagsan!

0
440

 

Buugga “The One Minuite Manager’ ee ay qoreen Spencer iyo Ken waa mid dhiirgeliya shaqada iyo horumarkeeda waana buug malaayiin nuskhadood laga iibsaday.

Waxa uu soo bandhiga baahida loo qabo maamul wanaagsan oo u haga sida ugu wanaagsan isagoo u dhiirgelinaya shaqaalaha sida fiican u sheqeeya muddo hal daqiiqo ah sida magaca buuga ka muuqata.

Dhinaca sixitaanka ayaa iyana loo maraa laba hab oo muhiim ah. Kan hore waa in aad shaqaalaha u sheegto waxa khaldamay iyo saamaynta xun oo ay ku yeelatay maamulka iyo shirkadda.

Habka labaadna waa in aad u sheegto shaqaalaha in uu yahay qof aad muhiim ugu ah shaqada, qiime waynna ugu fadhiya shirkadda, laguna dhiirigaliyo in uu sixi karo wixii khaldamay, isla markaana wakhtiga danbe uu u qaban karo si wanaagsan oo hawlakarnimo ku dheehan tahay.

Halka daqiiqo ee sixitaanka marka shaqaaluhu yahay qof tababaran wuxu abuura inuu  tayada shaqada kor u qaado iyadoo aanay dhicin niyad jab iyo cabasho macmiilka midna. Waana inaad ogaato in shaqaalaha fiican ee aqoonta lihi uu yahay kan soo keena natiijada fiican. Halka shaqaalaha xumina uu keeno natiijo xun.

 

 

Leave a Reply