Ayax dhibaato ku haya Degmooyin ka tirsan Gobollada Daad-madheedh iyo Togdheer

0
507

Qore Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Burco (Dawan)- Deegaamo ka tirsan gobolka Daad-madheedh ayaa waxa dhibaato ku haya Ayax dhul-dageen ah, kaasoo xaaluf ku haya meelaha dhul-daaqsimeedka ah iyo dalagga Beeraha, isla markaana ku sii fidaya.

Ayaxan ayaa ah mid ka dilaacay Ugxaan uu deegaanka kaga tegay bilihii la soo dhaafay mar uu ku degay deegaamo kamida Gobolkaasi, sida ay Dadka deegaanku noo sheegeen.

Ma aha Ayax duulaya, balse waa mid dhulka sabaynaya oo socod isaga gudbaya meelaha tik-gaada leh iyo Beeraha, waxaana loo yaqaanaa Koraankor.

“Wax allaale wixii soo baxayey dam buu ka siiyey, si aanu wax uga qabananna garan mayno. Khudradii iyo saracii kale ee biqlayeyba wuxuu reebayaa ma jiro” sidaasi waxa Wariyaha Dawan u sheegay Cumar oo kamida Beeralayda degmada Oodweyne.

Ayaxan kuma koobna Gobolka Daad-madheedh oo qudha, balse wuxuu sidan oo kale ugu baahsan yahay Gobollada Saaxil iyo Togdheer oo uu deegaamo badan ku degay, sida jiida u dhaxaysa Degmooyinka Abdaal iyo Dacar-budhuq oo uu isagoo duullaya ku habsaday.

Geesta kale, dhibaatada Ayaxan ayaa imaanaysa, xilli roobbab fiicani ka da Ka da’ayaan gobolladan, isla markaana raxmadu maashaysay deegaamo badan.

Xukuumadda Somaliland, ayaa bishii la soo dhaafay dabayaaqadeeddii ku dhawaaqday inay dawladda Itoobiya iska-kaashanayaan wax ka qabashada Ayaxan ku fidaya gobolka, kaasoo iminka howl-galka lagu waajihi karaa uu yahay in Diyaarado lagu buufiyo.

Leave a Reply