“Qaranku Wuxuu Kordhiyaa Sannad kasta Lacagaha ku Baxa Cisbitaalada Dalka”

0
503

Qore Khadar M. Dhako.

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa Sheegay in wax lacaga aan laga qaadin dadka Xanuunsanaya ee kalyaha loogu sifeeyo qaybta kalyaha ee Cisbitaalka guud ee Hargaysa.

Maxamed Cabdi Xargeeye oo qaar ka mida Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Wasaarada Horumarinta Caafimaadka aanay awood u lahayn in ay ku soo rogto in la Cashuuro Gunnooyinka ay qaataan Shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee ka hawl gala Cisbitaalka guud ee Hargaysda, hase yeeshee ay jirtay warqad ka soo baxday Wasaarada Maaliyadda oo ay ku dalbanaysay in la Cashuuro gunada ay Qaataan Shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee ka Shaqeeya Cisbitaalka guud.

Maxamed Cabdi Xargeeye oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaarada Caafimaadka Somaliland awood umalaha in ay soo saarto waraaqo lagu jarayo Cashuurta, warqadu waxay ahayd tixraac Waraaqo ka soo baxay Wasaarada Maaliyadda oo soo gaadhay Wasaarada Caafimaadka oo aanu wada Shaqayn leenahay, laguna codsanayay in la Cashuuro gunooyinka la siiyo Shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee ka Shaqeeya Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa, wixii Tacriifada ee Cashuur ah ee Qaranku go’aamiyo ee laga Qaadayo Cashuurta waa waajib in la fuliyo oo Cashuurta la bixiyo waa waxa Qaranu ku socdo ee Nabadgalyadu ku socoto ee Caafimaadka ku socdo ee Dawlada oo dhami ku soctaa waa Cashuurta la qaadayo, markaa malaha awood ay Wasaarada Caafimaadku ku soo saarto warqad iyada ka timid oo ay damacday in la cashuuro Gunooyinka la siiyo Shaqaalaha aan rasmiga ahayn ee ka hawl gala Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargaysa. Cashuuraha la qaadana waxa awood u leh Wasaarada Maaliyadda oo ay shaqadeeda tahay nidaam ayayna u martaa Wasaarada Maaliyaddu Cashuuraha ay ku qaado”.

Sidoo kale Xargeeye ayaa waxa uu sheegay in lacago aad u badan oo Misaaniyadda Qaranka ah ay ku baxaan Cisbitaalada dalka. waxaana uu yidhi “Dawlada dhexe Misaaniyadda guud waxa qaranku ugu talo galay lacago aad u badan oo gala Cisbitaalada dalka, Misaaniyadda sannadkan 2019-ka waxa ugu jira lacago aad u badan, waana lagacaha ka imanaya Cashuurta laga qaadayo dadka kala duwan, waxaana Wasaarada Caafimaadku bixisaa lacagta ay qaataan ee ku baxa dadka Ajaanibka ah ee jooga Cisbitaalka guud ee Hargaysa qaybta kalyaha oo bilaash dadka loogu adeego oo hawlaha ku baxa sifaynta kalyaha waxa bixisa kharashka ku baxa Wasaarada Caafimaadka, 400 oo Shaqaale ah oo ka hawl gala Cisbitaalka guud ee Hargaysa musharkooda waxa bixisa Wasaarada Caafimaadka, Raashinka la siiyo Bukaan jiifka iyo biyaha waxa bixisa Wasaarada Caafimaadka, sannad kasta waxa ay kordhisaa Wasaarada Maaliyaddu lacagaha ku baxa Cisbitaalada dalka”.

 

 

 

Leave a Reply