Garashada Denbiga Ayaa Cafiska keenta

0
468

Dhaxal sugaha boqortooyada Ingriiska ayaa soo kormeeray Jeelasha dalkiisa, si uu cafis u siiyo maxbuuska u qalma. Markii uu jeelka galay maxaabiista mid kasta wuu cabanayay waxaana mid kasta u sheegayay inuu xaq u leeyahay in la siidaayo maadma cadaalad daro ku xidhan yahay.

Laakiin mid ka mid ah maxaabiista ayaan isagu weydiisan oo iska fadhiyay , boqorka aya ku yidhi adiga maxaa ku helay waxaan uu ku jawaabay “ Boqor anigu waxaan ku faraxsanahay  jeelka, waayo waxaan galay denbi waxaana aan rabaa in marka uu iga dhamaado aan ka baxo”.

Boqoarkii ayaa markiiba yidhi “ Anigu ninkaasi oo keliya ayaan cafiyay, waayo wuxu og yahay inuu denbi galay oo uu u baahan yahay cafis”. Qirashadu waa qayb ka mid ah inaad ka murugoonayso wixii aad samayn jirtay.

Leave a Reply