Hurdada Maalintii Oo La Ogaadey Inay Khatar Caafimaad Lee Dahay

0
986

Hurdada dadku maalintii seexdaan ayaa digniino caafimaad laga soo saaray, iyada oo daraasaddo la sameeyey lagu ogaadey in ay khatar ku tahay caafimaadka qofka, waxaana daraasadaasi sameeyey khubarro dhinaca Caafimaadka ah.

Saynisyahano ka tirsan jaamacadda University of Science and Technology ee magaaladda Wuhan oo dalka Shiinaha ku taala ayaa soo gebo gebeeyey daraasad ay muddoyinkii ugu dambeeyey wadeen, taas oo ku saabsanayd  hurdada maalintii la seexdo, waxaanay tilmaameen khubarradani  in Hurdada maalintii la seexdo iyo hurdada habeenkii saacaddaha badan ee ka badan sagaalka saacadood ay khatar ku yihiin qofka, gaar ahaana ay keeni karaan xanuunka Faaliga.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay wargeyska EurekAlert oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , khubarrada daraasadan waday ayaa tijaabooyin kala duwan iyo baadhitaanadda daraasadan soo waday muddo lix sanno ah, iyaga oo tijaabo ka qaaday dad gaadhaaya 31.7 kun oo qof oo ka qayb qaateyaal ahaa, kuwaas oo aan weligood yeellan xanuunka Faaliga  iyo dhibaatooyin caafimaad oo kale toona.

Marka loo eego natiijadda kasoo baxday daraasadan  ay khubarradani sameeyeen   8% kamid ah ka qayb qaateyaashii daraasadan  oo seexday 90 Daqiiqo iyo saacado badan oo maalintii ah , halka  24% kamid ah dadkan ka qayb qaateyaasha ah ayaa iyaguna seexday sagaal saacadood iyo in ka badan oo hurdo maalmeed ah , waxaanay Natiijadoodii soo baxday in dadkii seexday 7 ilaa 8 saacadood ay ka badbaadeen xanuunkan Faaliga iyo xanuunada kale ee Wadne Xanuunku kamidka  yahay, halka ay 23% kamid ah  dadkaasi ay ahaayeen kuwa seexday 7 ilaa 8 saacadood, sidoo kale kuwii seexday maalin iyo habeenkiiba  saacaddo ka badan Sagaal saacadood  waxa ay 85% noqdeen kuwo dhibaatooyin caafimaad ay soo wajahday.

Dr Mikhail Poluykov oo kamid ahaa khubarrada daraasadan samaynaysay , kana tirsan Machadka Sayniska ee dalka Ruushka oo natiijadda kasoo baxday daraasadan ka hadlaayey ayaa sheegay in hurdada waqtiga dheer la seexdaa ay lee dahay khataro badan, kuwaas oo ay kamid yihin in ay keento xanuuno khatar ah oo ay kamid yihiin Macaanka ,Faaliga iyo Wadne Xanuunka.

Leave a Reply