Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka oo la Kulmay Lix Shirkadood oo u Tartami Doona La-talinta Mashruuca Dhismaha Waddada Boorama ilaa Lawyo-caddo

0
444
© Communication Office of the MoRTD, Somaliland.

Harrgaysa (Dawan) Masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Madaxda sare ee Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Somaliland ee RDA (Road Development Agency), ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay saraakiil ka socday lix shirkadood oo ku tartamaya qandaraaska La-talinta mashruuca lagu dhisayo waddada isku xidhaysa magaalooyinka Boorama, Fardaha iyo Lawya-caddo, taasoo uu dhismaheeda maalgelinayo Baanka Horumarinta Afrika.

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Mr. Axmed Yuusuf Maxamed oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shirkado tiradoodu ka badan tahay ilaa lixdan (60) shirkadood ay araaji u soo qorteen tartankan, balse ay ugu dambayntii liiska ugu dambaynta ah ku soo baxeen lix shirkadood oo qudha, kuwaasoo iyaguna geli doona tartan kale oo ay soo bixi doonto hal shirkad oo qaadata mashruuca La-talinta dhismaha waddada isku xidhaysa Boorama ilaa Lawyo-caddo.

“Waxa ay ujeedada shirkani tahay in aynu isla eegno ama iska waraysanno lixda Shirkadood ee ku soo baxay liiska hore (short list) ee u tartami doona La-talinta mashruuca ballaadhan ee Waddada Boorama, Fardaha ilaa Lowyo-caddo, hawshanina runtii in muddo ah ayey soo socotay oo shirkado badan oo tiradoodu kor u dhaafayso lixdan (60) shirkadood ah, markaa waxa ka soo dhexbaxay shirkadahan halkan fadhiya ee lixda shirkadood ah oo hadda waxaynu maraynaa tartankii kama-dambaysta ahaa, markaa qorshaha uu kulankani ku saabsan yahay waa sidii aynu iskula eegi lahayn sida uu tartankaasi noqonayo iyo wixii kale ee dhukumantiyo iyo shuruudaha ah ee looga baahan yahay, si hadhaw loo helo shirkad qudha oo tartankaas ku guulaysata. Waddadani waxay hal-bawle u tahay qaranka Somaliland iyo bulshada ku dhaqan degaannada laga dhisayo iyo guud ahaanba Gobolka Geeska Afrika, taasina waa wax la garan karo oo maaha wax ciyaar ah, markaa waxa aan rabnaa in aan diyaar u noqono tartankaas oo shirkad kasta oo ku guulaysata waannu la shaqayn doonaa, haddii Ilaahay yidhaahdo.

Maareeyaha Mashruuca lagu dhisayo Waddadaas oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedadu tahay sidii la iskula fahmi lahaa dhukumantiga codsiyada ah ee la soo gudbistay (proposal Documents), waxaannu yidhi; “Waxa aannu jecelnahay in aannu idinku soo dhawayno shirka lagu falanqaynayo fahanka dhukumantiga soo-jeedinta ah (proposal document) ee waddadaas, waanan ku faraxsannahay in aannu lixda shirkadood ee ugu dambeeyey aannu idinku soo dhawayno Wasaaradda. Sida qorshuhu innoogu caddaa ee ballantu ahayd 12-ka December 2019, waxa ay waddadani ka soo bilaabmi doontaa Lawyo-caddo, waxayna ku dhammaan doontaa Boorama.”

Xubno ka socday Shirkadaha isugu soo hadhay liiska kama-dambaysta ah ee tartanku dhexmari doono oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay inay fursad weyn u tahay inay tartankan qiimaha leh ka qaybgalaan, isla markaana ay shirkadaha dhexdooda isku bartaan, iyagoo xusay in waddadani noqon doonto mid hawl-bawle ah oo qayb ka qaadan doonta horumarka Gobollada galbeedka iyo isku-xidhka dalalka jaarka la ah dalka Somaliland ee ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Itoobiya, waxayna xuseen in ilaa hadda mashruucaas looga shaqaynayo si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cumar Cabdillaahi Aadan (Cumar-sayid) oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in waddada isku-xidhaysa magaalooyinka Boorama iyo Lawyo-caddo ay noqon doonto mid faa’iido weyn u yeelata shacbiga Somaliland.

Waxa kaloo uu tilmaamay in shirka ay la yeesheen shirkadan ku tartamaya qandaraaska La-talinta ah lagu falanqeeyey sidii la iskula eegi lahaa dhukumantiyada khuseeya tartankaas iyo qaabka tantanku noqon doono, looguna gudbi lahaa wejiga xiga ee loogu talogalay in shirkad qudha ka soo dhex baxdo lixda shirkadood ee liiskan kama-dambaysta ah ku soo baxay.

“Waxaannu kulan wada-tashi oo muhiim ah isugu nimid Xarunta Wasaaradda 6-da shirkadood ee ku soo baxay tartanka shirkadaha ku tartamaya La-talinta (Consultant) mashruuca dhismaha waddada Lawyacado – Fardaha – Booraama ee uu maalgalinayo Baanka Horumarinta Afrika (African Development Bank). Waxa kulanka igu wehelinayay Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Madaxa Mashruucaas iyo wakiillo ka socday lixdaas shirkadood. Kulanka ka dib waxa nagu soo biiray oo kalmado mahadnaq iyo dardaaran ah madasha ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.

 

 

 

 

Leave a Reply