Wasiirka Diinta oo Xadhiga Ka Jaray Masaajid Cusub Oo Laga Dhisay Hargeysa

0
412

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa furay masaajid weyn oo laga dhisay xaafadda Guul ALLE ee degmadda Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargaysa.

Masaajidkani waxaa dhismihiisa iyo hirgelintiisa iska lahaa qoyska Ilma Xaaji Maxamed Cabdalle, kaasi oo loogu magacdaray masaajidkaasi.

Waxaana musaasibadii furitaanka masaajidkani ka soo qaybgaley, wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, gudoomiyaha maxkamada sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, qaar ka mida culimada Hargaysa iyo bulshada xaafaddaasi degan.

Wasiir Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo munaasibadii furitaanka masaajidkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa u duceeyay qoyska ilma Xaaji Maxamed Cabdalle ee masaajikaasi dhisay.

Waxaanu yidhi, “Qoyskani waynu hanbalyeynaynaa reer Xaaji Maxamed Cabdalle, way inoo dhiseen uun, hase ahaate inaga ayaa leh. Masaajidku waa guriga qof kastoo ALLE ka cabsi ku sifooba, ee ALLE ka baqaa uu ku cibaadaysto. Inaga-na waxay inaga mudan yihiin duco, miisaanka xasanaadka ALLE ha ugu darro”.

Geesta kale waxaa halkaasi ka hadlay Injineer Axmed Maxamed Cabdalle kana mida qoyska iska leh hirgalinta iyo dhismaha masaajidkan oo sheegay in ay u waqfeen Aabahood Xaaji Maxamed Cabdalle.

Waxaanu yidhi, “Masaajidkani inuu dhismo waxaa ay ka timid fikirka qoyska ilma Xaaji Muxumed Cabdalle, iyaga oo go’aansaday in ay Masaajidkan hirgaliyaan.

Taasi oo ka turjumaysa baahida bulsho ee deegaankani, dhul ahaan iyo dhisme-ba waxaa maalgeliyay qoyska ilma Xaaji Maxamed Cabdalle. Maalgelinta Masaajidkani waxay gaar u ahayd qoyskani, sidaasi darteed qoys ahaan waxaanu u waqafnay dhismaha Masjidkani Aabahayo Xaaji Muxumed Cabdalle.

Waxa kaloo aan bulshada u sheegaya laga bilaabo Caawa in Masaajidka qofna laheyn, kooxina laheyn, dad gaar ahina laheyn ee uu yahay Masjid u dhaxeeya dhammaan Muslimiinta”.

Leave a Reply