Waxa wax aad loola yaabo ah in rag waaweyn oo Odayaal ah oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Somaliland, magacyadooduna bulshada reer Somaliland dhexdeeda laga yaqaano, sidoo kalena ay xubnaha sheegta Madasha wada tashiga ee dhawaan dacwadda u gudbiyey Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, ay qaarkood xilal illaa heer Wasiir ah kasoo qabteen dalka, balse waxa nasiib darro lagu tilmaami karaa in Odayaashii ku qolof dhaceen go’aankii Maxkamaddu ka soo saartay dacwaddii ay u gudbiyeen ee ku saabsaneyd muddo kordhintii ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Golaha Wakiillada.
Odayaashii loo tuhmayey inay yihiin kuwa aan waxyaabaha qaarkood khaldi Karin, ayaa waxa ku soo baxday fadeexad sidaan kor kusoo xusay qolof ridday, taasoo ah in aanay raggaas Odayaasha ahi wax aqoon ah u lahayn Dastuurka oo aan ka ahayn ku hal-qabsiga magaciisa, waxana taas ka markhaati kacday dacwaddii ay ka gudbiyeen muddo kordhintii Golaha Guurtida, iyagoo sheegtay Urur la yidhaa MADASHA WADA TASHIGA oo ay ogaan inaanu ka diiwaangashaneyn dalka.
Kaaga sii darrane iyadoo ay xaaladdoodu sidaa bilaa sharciga tahay, balse illaa iyo intay kolba bayaan lid ku ah hadba Xukuumadda kasoo saarayeen iyagoo sheeganaya magacaa Madasha ma jirin cid ku qabsatay oo xataa Warbaahinta mar qudha kumay odhan, mar haddaanu Ururkiina Madashu wax sharciyad oo ku fadhiyaa jirin sidee baan bulshada ugu macneynaa ee ugu baahinaa arrimahan aad ka hadlaysaan, balse taa beddelkeedii uga dhigeen inay sii buunbuuniyaan Ururkaa bilaa sharciga iyo wixii kasoo baxaba.
Waxa la odhan karaa taa Warbaahintu u il-duuftay, ayaa Odayaasha lugeysay oo ay isku qaateen kuwa sharci ah, waxa ay ku halayaana sharci yihiin, haseahaatee waxa xaqiiqada jiritaankooda si cad wax uga soo ogaadeen, soona taabteen markay uga jawaabtay Maxkamadda Dastuuriga ahi dacwaddii ka Dhaka ahayd Goalaha Guurtida ee ku saxeexneyd MAGACA, MADASHA WADA TASHIGA, taasoo go’aankii ay Maxkamaddu kasoo saartay uu noqday, in aanay Maxkamaddu dhegeysaneyn dacwadda ay soo gudbiyeen Madasha wada Tashiga oo aan lahayn sharciyaddii Dacwaddooda lagu dhegeysan lahaa.
Inkasta oo akhris la’aanta Dastuurku tahay mid ay bulshada badankeedu ka siman yihiin, haddana lagama fileyn in Siyaasiyiinta had iyo goor kasoo muuqda shaashadaha TV-yada, kana baahiya hadallo aan u fiicneyn dhegaha bulshada oo mar kasta oo hadlaana wax dhiilo ah mooyee aan carrabkoodu aqoon ka hadalka waxyaabaha fiican ee la qabtay, inay ku margadaan dacwaddoodii oo weliba waxa ay ku margadeen noqday aqoon- darro xagga Dastuurka Qaranka.
Ku margashadii Dastuurka oo weli ku taagan, ayey haddana odayaashu iyagoo anfariirsan u sheegeen Warbaahinta, in dhinac iska dhigayaan mixnadda uu magacani geliyey dacwaddoodii, isla markaana ay mar kale iyagoo muwaadiniin caadiya u gudbin doonaan Dacwaddooda Maxkamadda Dastuuriga, taasoo ay sheegeen inay xaq u leeyihiin, haseyeeshee waxan kula talin lahaa Odayaasha Madasha aan jirin sheergtay inay cagaha dhulka dhigaan, kana digtoonaadaan simbiriirixo labaad oo hadday ku dhacdo sidaan filayo ay kubka iyo boodadba kaga jabi doonaan, waayo tallaabada labaad ee ay ku dhawaaqeen ayaa laf ahaanteedu u baahan in Dastuurka ay dib ugu noqdaan oo xataa qodobada fasiraaddooda wax kasoo ogaadaan ka hor inta aanay mar labaad ku noqon halkii ay qolof dhaceen.
Arrinta kale ee Iyana yaabka ahayd waxay ahayd Qareenkoodii oo ah nin ku caan baxay fadh-fadhidda arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo inuu eeg-eegto godalloolooyinka, kadibna si toos ah ugu baahiya dunida, ayaa halkuu isagu ka difaaci lahaa Odayaasha maadaama uu ahaa Aareenkooda uu iyagii uga baxay, waxanu Mikirifoonnadii Warbaahinta soo hor istaagay markuu Oday Xasan Guurre ku dhawaaqay magaciisa iyo inuu yahay Qareenkooda oo ay la tashan doonaan.
Haseyeeshee, waxa ay seegeen Warbaahintii goob jooga ahayd Werioyayaashoodii inay weydiiyaan, sababta uu Odayaasha uga sixi waayey khalad sharci ee dacwaddooda lagu soo celiyey, maadaama uu Qareenkoodii xagga sharciga ahaa. Sida ka muuqatay hadalkii Qareenka oo u ekaa mid uu isagu olole ugu jiro dad soo ururin odayaasha ku badhi taageera dacwaddooda, in waxa uu u socdaa tahay in dacwaddu mid taagan ahaato oo kolba gasha Warbaahinta iyo in dadkaa uu sheegay inay kusoo biiri karaan dacwaddan intuu suuqa kasoo Ururriyo sidii Carruurtii darbi-jiifka ahayd ay buuq iyo rabshado ka sameeyaan Maxkamadaha.
Arrintaa dembe ee uu kaga dhawaajiyey ninka Qareenka u ah Odayaashu waxay u baahan tahay, in il-gaar ahaaneed lagu eego, si aanay u noqon mid qaraxeeda uun lagu baraarugo, waayo qareenku ma garan waayin marka horeba inuu Odayaasha dacwaddooda waafajiyo sharciga, balse waxa uu sidaa u yeelay inuu xaabo badan oo ku holciyo arrintan u helo qiilkeeda, taasoo oo ah mida uu hadda ku sii riixayo Odayaasha oo ah in dacwadda dad badan saxeexeeda kala qeyb qaataan, si ay u meel-marto ama ku noqoto Dawladda laf-dhuun gashay.