Maxaa dhacaya marka xildhibaan uu kursigiisa waayo?

0
492

Toddobaad ka hor waxay ka cunteynaysay hotelka cunnada ee gudaha baarlamaanka balse toddobaadkii xigay waxaad noqotay shaqo la’aan.

Arrintaasi waxay haysataa 47 xildhibaan oo kuraastoodii ku waayay doorashadii dalka UK ka dhacday Khamiistii.

Xildhibaanada kuraastooda lumiyay waxaa ka mid ah Jo Swinson, oo ahayd hogaamiyihii hore ee xisbiga Lib Dems. waxay ku guuldareysatay kursigii deegaankeeda bariga Dunbartonshire,iyada oo 149 cod uu kaga guuleystay musharaxii ka socday xisbiga SNP.

Dominic Grieve, oo ahaa musharax madaxbannaan ayaa xafiiskiisa ka tagi doona ka dib markii uu doorashada ku guuldareystay.

Hogaamiyaha ku xigeenka xisbiga DUP Nigel Dodd ayaa waxaa kursiga kaga guuleystay Sinn Fein’s John.

Hadaba maxaa dhacaya intaa ka dib?

Marka hore kaadhkii ay ku gali jireen baarlamaanka ayaa meesha laga saarayaa 19 bishan December.

Arrintan waxay micnaheedu tahay in baarlamaanka aanay gali Karin wax ka dambeeya 19 bishan.

Xildhibaanadii lumiyay kuraastooda waxay haystaan 5 maalmood oo ay waxyaabaha ka yaalla xafiiskooda uga qaadan karaan islamarkana waxay faaruqin doonaan dhismaha Westminster.

Ma jirtaa wax lacag ah oo la siinayo?

Waxaa la siin doonaa lacag yar oo ah miisaaniyada sagootinta.

Waxay lacagtaasi gacan ka siinaysaa xildhibaanada in ay qarashaadkoda isaga bixiyaan marka uu mushaarkooda joogsado waxa ayna arrintan soconaysaa ilaa February 2020.

Maxaa ku dhacaya shaqaalahii la shaqaynayay?

Shaqaalaha xildhibaanada kuraastooda ku guuldareystay ayaa iyaguna shaqadooda waayi doona.

Cilmi-baadhayaasha ,saraakiisha ololahii doorashada iyo ku xigeenadooda ayaa dhammaan shaqdooda waayi doona wixii ka dambeeyay natiijadii Jimcihii aanu soo dhaafnay.

Nic Trower ayaa aad u garanaya dareenka ay arrintni leedahay.

Waxa uu kaaliye u ahaa Stephen Williams, oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa xisbigaa Lib Dem kaasi oo kursigiisii lumiyay doorashadii 2015.

Islamarkii uu xildhibaanka ku guuldareystay doorashada waxaa isna laga tiray shaqada.

“Waa naxdin ballaadhan,xafiiska ayaad tegaysaa,wax walba waad soo nadaaminaysaa ka dib na waad isaga so baxaysaa.”ayuu yidhi.

Waxaa uu BBC u sheegay in ay tahay mid qiiro leh in xildhibaan saaxibkaa ahaa aad aragto isaga oo shaqadiisii iyo xirfadiisii guud ahaan waayay.

Xildhibaanada mar kale ku guuleystay kuraastooda ayaa lagu wadaa in ay baarlamaanka ku soo laabtaan 17 December.

 

Leave a Reply