Qalanjada reer Jamaica oo loo caleema saaray quruxda dunida ee 2019

0
633

Toni-Ann Singh ayaa ku guuleysatay kaalinta kowaad ee quruxda adduunka. Gabadhan oo ah Ardayad waxay noqotay gabadhii 69aad ee quruxda adduunka ama (Miss World). Waa markii ugu horreysay taariikhda in haweenka madow ay ku guuleystaan ​​horyaallada Miss USA, Miss Teen USA, Miss America, Miss Universe iyo Miss World. Ardayadan oo 23-jirka ah waxay ku dhalatay St Thomas oo Jamaica ah, waxaana qorsheysan in ay barto cilmiga daawada oo ay dhakhtar noqdo.

Sabtidii markii ay ku guulaysatay tartanka waxay soo dhigtay barteeda Internet-ka hadal ay ku dhiiri gelinayso Haweenka waxay tidhi ” Hablaha Jamaica iyo Hablaha dunidaba waxaan leeyahay naftiina ku kalsoonaada, ogowna inaad tahay qof u qalma oo karti u leh gaadhista riyadaada … caleema saarkaygani waxa leh dumarka oo dhan”.

Toni-Ann waxay soo jiidatay garsooreyaashii munaasibada oo ka dhacday ExCel London ka dib markii ay ku heestay heesta Whitney Houston oo ah gabadh madow oo hore u heesi jirtay. Sidoo kale waxay ka jawaabtay su’aalo kala duwan oo la weydiiyey.

Iyada oo hadlaysay waxay tidhi “ Tani waxay u muuqataa sidii Riyo, aad ayaan u mahadnaqayaa’’. Toni-Ann waxay ka guulaysatay 111 tartame oo metaleyey dalal kala duwan, waxaanay noqonaysaa gabadhii afraad ee reer Jamaica ah eek u guulaysata horyaalka tan iyo markii tartanka la bilaabay.

 

 

 

Garsoore Piers Morgan oo ka mid ahayd garsooreyaashii dhex-dhexaadinta ayaa Tonni-Ann weydiisay “Bal in ay jeclaan lahayd in dhinaca heesaha shaqo ka dhigato waxay tidhi  “Haddii albaabku furan yahay oo meeli iiga bannaan tahay waan dhex mari doonaa.”

Tartame Mézino oo u dhalatay France iyo Suman Rao oo u dhalatay dalka India ayaa kaalinta labaad galay.

Hal arrin oo soo jiidatay dareenkii goobta ayaa waxay ahayd falcelintii ka soo yeedhay gabadhii ka socotay Nigeria markii lagu dhawaaqay guusha Toni-Ann.

 

Nyekachi Douglas, oo gashay kaalinta shanaad, ayaa kor u booday oo farxad is hayn kari weyday, iyada oo taageeraysa gabadha madow ee kaalinta kowaad gashay.

Leave a Reply