Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Faahfaahin Ka Bixiyey Waxyaabaha ay ka Wada Hadleen Weftigii ka Socday Beesha Caalamka

0
383

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in xubnaha weftigii ka socday beesha calaamka ay ka wada hadleen sidii ay doorasho dalka uga qabsoomi lahyd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xisbiga KULMIYE ay diyaar u yihiin in dalka ay qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay in xisbiyaddii siyaasadda ee diidanaa wada shaqeynta Koomiishankii hore in ay maanta yidhaahaan waanu la shaqeyneynaa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Galabta waxa aanu la kulaney wefti badan oo inoo yimid oo ka kooban, bulshada caalamka, Midowga Yurub, Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeysa iyo urrurka IGAD.

Xisbiga KULMIYE sidii aanu u cadeynay shalayto in aanu aqbalnay qaraarkii guddida dhex dhexaadinta, sida loo fulinaayo iyo sharciyadda wadanka sida ay u waafaqeyso, mawqifkayaguna waxaa weeyi waanu taageeraynaa waananu ka wada shaqeyneynaa”

Sidoo kale, wasiir Maxamed Kaahin waxaa uu is dultaagay waxyaabaha ay ka wada hadleen weftigii beesha caalamka iyo qodobadii ugu mihiimsanaa ee ay isla soo qaadeen waxaanu yidhi “Qoladan waxa aanu ka wada hadalnay arrimihii doorashooyinka, xisbiga KULMIYE waxaa markii horena uu diyaar u ahaa in doorashadu dalka ka qabsoonto, maantana waxaa uu diyaar u yahay inay doorashadu dalka ka qabsoonto, xukuumadduna waxaa ay diyaar u tahay in ay doorashadu dalka ka qabsoonto, 18-bilood ayay qaadatay intii uu xisbiga WADDANI diidanaa in uu guddidii hore ee doorashooyinka Qaranka uu la shaqeeyo oo doorasho inoo qabsoonto, markii danbena waxaa ku biiray xisbiga UCID oo sheegay in aanay guddidii hore ee doorashooyinka la shaqeyneyn.

Waxaa la yaab leh iminka in 18-bilood kadib ay yidhaahan Koomiishankii aanu diidaneyn ayaanu la shaqeynayna, ka imika joogana Koomishan Qaran ayaanu u naqaanaayo haddii uu joogo KULMIYE ahaan waanu la shaqeynayaa kii hore hadii uu soo noqda xisbiga KULMIYE waa uu la shaqeynaya, arrintaasi maareynteeda xisbiga KULMIYE waxaa uu ka taagan yahay meel macquula, siyaasiyan in leysu soo dhawaado oo laga wada hadlo, si kasta oo ay u meel mareysana loo meel mariyo”

 

 

Leave a Reply