Madoonaysa in aad hurdo fiican hesho? Hadaba raac shantan qaab

0
606

Maka daashay inaad xal u hesho hurdo la’aanta marka aad sariirta tagto? Hadii sidaasi jirto akhriso shan qodob oo muhiim ah oo kaa caawinayo dhibaataas.

  1. Marka hore waa in aad daalan tahay

Waa Muhiim in Jimicsi kugu filan aad sameyso maalin kasta balse iska ilaali inaad jimicsi samyeyso afarta saacadood ee ka horreysa xilliga jiifka sababta oo ah waxa uu kicinayaa Hormoonka adrenaline.

Iska ilaali hurdada maalintii haddii aanay hurdada kugu yarayn habeenkii, Seexashada maalintii gaar ahaan wixii ka dambeeya afarta galabnimo waxay sababtaa inay hurdada habeenkii aad weydo.

  1. Ka warqab cuntada iyo cabitaanka aad isticmaasho

Safarka hurdada waa in uu bilowdaa waqti hore ku dhawaad lix saacadood ka hor, marka sidaa darteed cabataankaaga isha ku hay, sababta oo ah xilliyadaasi dambe waa in aad iska ilaalisaa cabitaanada fudud ee ay ku jirto maadada caffeine-ka sida Shaaha, qaxwada iyo cabitaanada laga helo energy-ga. Caffiene-ka waxa uu jirka qofka ku jirayaa ugu yaraan sagaal saacadood.

Inta badan dadka way ku adag tahay inay seexdaan iyaga oo calooshooda madhan tahay, balse caloosha oo la buuxiyo waxay sababtaa hurddo la’aan marka sidaa darteed waxaa lagaga baahan yahay inaad cunteyso afar saacadood ka hor inta aadan seexan.

  1. Joogtee hurada ka hor inaad sariirta ku nasato

Maskaxda ayaa ku dageysa haddii aad joogteyso nasashada sariirta dusheeda ah ka hor inta aadan seexanin. Marka hore biyo diirimaad ah ku soo maydho saaxiibkaa la hadal ama qoyskaaga, buug akhri laydhkana iska gaabi.

  1. Ku dadaal nadaafadda goobta aad seexanayso

Guryaheena waa inay ahaadaan goob nadaafaddoodu ay aad u sarreyso. Waxaa sidoo kale muhiim ah in qolka aad seexanayso ugu yaraan aad ku dhex jirto muddo saacad ah isaga oo mugdi ah. Iska ilaa qolalka ay ku xidhan yihiin telefishinada amaba aaladaha kale ee elektaroonikada ah.

  1. Jadwal u sameynta waqtiga jiifka

Waxaa laga yaabaa inaad maqashay ganacsatada guuleysatay ee dunida inay seexdaan afar saacadood balse xaqiiqda ayaa ah qofkasta ma awoodo inuu sidaasi sameeyo.

Jiifka saacado yar waxa uu sababaa in dhibaato ay u geysato jirka iyo maskaxda qofka bini’adamka ah. Haddii aad joogteyso inaad seexato wax ka yar shan sacaadood, waxaa aad khatar ugu jirtaa cudurada ku dhaca wadnaha iyo kansarka marka sidaa darteed waa inaad xaqiijisaa inaad seexato toddobo ilaa siddeed saacadood habeenkii, xitaa maalmahaaga fasaxa.

 

 

Leave a Reply