Sexeexii Bulsha Burburiyay!

0
812

Waxay ku nool yihiin Maraykanka , waxayna degan yihiiin deegaano ay ku yar tahay adeegyada waxabarashada iyo caafimaadka waxaana dhalinyaradooda haysta fakhri aad u weyn.

Waxay caadaystaan daroogada iyo isdilka oo joogto u ah, ka dib markii ay ku qanci waayeen nolosha ay ku jiraan. Waxay ka cabanayaan shaqo la’aan iyo cunsuriyad joogto taasi oo mararka qaar il loogu geysto.

Hogaamiyaha Qabiilada Hindida cas Black Haw ayaa dhawr qarniyo ka hor reer Yurubkii soo weeraray ka sexeexeen qoraal ah inuu dego meelo gaar ah kana guuro magaalooyinka. Sexeexa ayaa lagu sameeyaya baad shimbireed.  Mar danbe ayuu sheegay in aanu sidaasi  moodayn  maxa yeeelay waxba ma akhriyi jirin mana qori jirin. Sidaas ayay dalal reer Yurub uga sexeexeen wixii ay iyagu doonayeen, oo ay ku hirgeliyeen markii danbe.  Qabiiladan Hindida cas ayaan xuquuq iyo ixtiraam ku lahayn Maraykanka. Welina ku jirta nolol adag

Leave a Reply