Basbaaska Akhtarka Ah Oo La Ogaadey Inuu Faa’iidooyin Caafimaad Jidhka U Lee Yahay

0
566

Daraasad caafimaad oo ay dhowaan sameeyeen khubarro ka socotay Machadka Neerfaha ee Mediterranean Institute of Neurology oo ku yaalla wadanka Talyaaniga ayaa toddobaadkan lagu soo bandhigay isla Machadkaasi, iyada oo laga soo saaray Natiijo hordhac ah .

Daraasadan oo ay ay khubarrada samaynaysay ku baadhayeen saamaynaha caafimaad ee uu Basbaaska Akhtarka ah ee loo yaqaano Qajigu u lee yahay qofka ayaa lagu sheegay natiijadii hordhaca ahayd in Basbaaska Qajigu faa’iido caafimaad u lee yahay Bani’aadamka ama dadka.

Waxaanay khubarrada samaysay daraasadani sheegeen in qofka isticmaala Basbaaskaasi si joogto ahi uu ka badbaadi karo khatarta Wadne Istaaga iyo xanuunada ay Bakteeriyadu keento 23%.

Sida lagu sheegay natiijadda daraasadan oo lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan, khubarradan ayaa intii ay daraasadan wadeen waxa ay tijaabo ku sameeyeen dad gaadhaaya 22811 oo qof, kuwaas oo ay xaaladohooda caafimaad la socdeen intii ay daraasadani socotay, waxaanay sheegeen in daraasadani intii ay socotay oo ahayd 8 sanno ay si joogto ah ula socdeen xaaladda caafimaad ee dadkani, waxaanay cadeeyeen in dadka isticmaala Qajiga ama Basbaaska akhtarka ah afar jeer toddobaadkii ama in ka badan ay ka badbaadeen Wadne Xanuunka 40% iyo xanuunada kale ee ay keenaan Dhiig wareega khal khala , gaar ahaana Dhiiga Maskaxda taga ,iyaga oo intaas ku daray in isticmaalka Basbaasku aanu ku xidhnayn habka cunto ee qofka.

Khubarradan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay sii wadaan cilmibaadhistan , iyaga oo xooga saari doona saamaynta uu Basbaaskan kululi ku lee yahay qofka, gaar ahaana caloosha, madaama oo uu gubo qofka,waxaanay cadeeyeen in Basbaasku si fudud u gubo Unugyada Kansarka .

 

 

 

 

 

Leave a Reply