Xikmadaha Maanta

0
1707
  • Qofka naftiisa raaciya Aduunyada, waxa keliya ee uu ke helaa waa qabriga yar ee lagu aaso, laakiin qofka naftiisa Allah (sw) u dhiibaa wuxu siiyaa Janno nimco u dhamaystiran tahay.
  • Nin ayaa la waydiiyey waxa keligii cidlada u joogo ? Wuxuu ku jawaabay: “ Rabbigey ayaan la joogaa markaan rabo inuu ila hadlo Qur’aankaan akhriyaa, markaan rabo in aan la hadlona laba rakcadood baan tukadaa”.

 

  • Marka aad sarayso saaxiibadaa ayaa ku garanaya qofkaad tahay!, laakiin markaad hoos udhacdo adiga ayaa garanaya saaxiibadaa nooca ay yihiin..
  • la joog dadka ku qadarinaya, ha udhigin qiimahaaga hoos, hadii qadarinta iyo tixgelinta la miisaamilahaa waxay ka qaalisnaan lahaayeen dhagxanta dahabka ah.
  • kalluunku afkiisa ayuu xidhaa si an loo ugaadhsan, xidh afkaaga waxaa jira kuwo khaladkaaga raadinaya, xurmee kan ku baahda.

loox ayaa musbaar ku yidhi waad i dulmiday, musbaarka ayaa ugu jawaabay hadii aad arki lahayd dubaha la ila dhacayo waad ii cudurdaari lahayd, u cudurdaar dadka, noqo sida qorraxda oo kale mid saafi ah niyadana

Leave a Reply