Shirkad Laga Lee Yahay Kanada Oo Samaysay Qalab Cusub Oo Suurtogelinaaya In Aan La Arag Qofka Iyo Qalabka Lagu Lagu Dahaadho.

0
518

Shirkadda HyperStealth ee laga lee yahay dalka Kanada oo ah shirkad ka shaqaysa inta badan arrimaha Ciidamada ayaa markii ugu horeysay suurtogelisay , dhabna ka dhigtay muraayadda daahsoon oo ah muraayad qofka qarin karta, kana dhigi karta mid aan la arkayn, taas oo hore Aflaanta loogu daawan jiray, waxaanay muraayadani qarinaysaa wax kasta oo ku daba dhuunta ama isku gudba haddii uu qof yahay iyo haddii kaleba, iyada oo ay arrintani noqotay mid la rumaysan waayey , kadib markii ay shirkaddu soo bandhigtay muqaalo ay ku shaacinayso samaynta Muraayadaasi, ilaa ay markii dambe warbaahinta usoo bandhigtay.

Kuwaantowm Tiyoof , waa maadada lagu sameeyey muraayadan , taas oo ka dhigtay muraayadan mid qarin karta dadka iyo waxyaalaha kale ee xaga dambe ka mara ama ka istaaga amaba ku dhuunta, waxaanay murayadani qarin kartaa waxyaalaha dhererkoodu yahay 10-ka Sitimitir, iyada oo madadan lagu koobay in ay qariso dadka iyo waxyaalaha kale ee la hal maala , waxaana inta badan aanay qarin Karin waxyaalaha kale ee ay dul taalo iyo wixii ka dambeeya oo ka daba muuqanaaya iyagu.

Muraayadan suurto gelinaysa in aanu muuqan qofka ku dhuunta ama dhinaceeda taagani ayaa ah mid aad u khafiif ah, waana mid si fudud loo qaad qaadi karo, inkasta oo waqtigan ay khubarrada hore u samaysay wadaan mid intan ka weyn in ay sameeyaan, taas oo ay inteeda badan adeegsan doonaan ciidamadu.

Muraayadan ayaa shirkaddu ugu talo gashay in ay isticmaalaan Ciidamadu, waxaana jirta qaybo muraayadaasi kamid ah oo loo sameeyey habka Diraayska ciidamada oo kale, taas oo loogu talo galay in lagu xidho xafiisyada ciidamada, si aan loo arag saraakiisha fadhida, waxaana markii ugu horeysay fikirkeeda lasoo bandhigay sannadkii 2010-kii, waxaanay soo socotay samaynteedu muddo sagaal sanno ah.

 

Leave a Reply