Cabdillaahi Jawaan oo Soo Dhaweeyay Go’aamadii ka Soo Baxay Guddida Dhex-dhexaadinta Axsaabta

0
498

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Cabdillaahi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) ayaa soo dhaweeyay Go’aamadii ay soo saareen guddidii dhexdhexaadinta ka dhex waday xisbiyada qaranka.

Cabdillaahi Xaaji Cumar oo shalay la hadlay qaar ka mida Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay ahaayeen Talooyin Wanaagsan Go’aamadaa ay soo saareen Gudidii Dhexdhexaadinta ka dhex waday Xisbiyada qaranka.

Cabdillaahi Xaaji Cumar oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waan soo dhawaynayaa Go’aankaa ay soo saareen Guddidii dhexdhexaadintu, waxaana ay yidhaahdeen ha la kala diro Koomishanka Doorashooyinka ee Cusub, Koomishankii Doorashooyinka ee Wakhtigu ka dhamaaday ha la soo celiyo, Go’aamada ay soo saareen waxa ay ahaayeen Go’aamo qiimo leh weeye, Qaranimada in la ilaaliyo Saddexda waaxood ee Qaranka in la xaqdhawro lana joojiyo yooyootanka ayaa ka mid ahaa Go’aamada ay soo saareen gudida dhexdhexaadinta iyo in ay isakaga yimaadaan Xisbiyadda qaranku Doorashada Golaha Wakiilada iyo Golaha Deegaanka ee la qabanayo, waana talooyin Wanaagsan oo loo baahnaa”.

Leave a Reply