Safiirro ka Socda Beesha Caalamka oo la Kulmay Ergadii Dhex-dhexaadinta

0
462

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Guddidii dhex-dhexaadinta ka dhex waday xisbiyadda Qaranka ayaa la kulmay wefti ka socda beesha caalamka, kuwaasi oo Somaliland ka taageera Dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka.

Weftigan ka socda Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegay in ay in ay taageereen soo jeedintii guddida is xil qaantay ee dhexdhexaadinta ee khilaafka ka dhashay geedi socodka doorashooyinka ee u dhexeeyay xisbiyada qaranka.

in weftiga ka socday beesha caalamku ay guddidani uga mahad celiyeen sida wanaagsan ee ay u dhammeeyeen murankii mudada soo jiitamayay ee xisbiyada dalka.

Sidoo kale waxaa ay guddidu xisbiyadda iyo xukuumaddaba uga mahadnaqeen sida ay u aqbaleen go’aanadii ay soo saareen.

Guddoomiyaha gudida dhex-dhexaadinta xisbiyadda Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Faarax ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihi ay ka wada hadleen xubnihi weftiga ahaa ee ka socday beesha caalamka waxaanu yidhi “Waxay noogu yimaadeen si ay noola kulmaan, waxaaney noogu yimaadeen xukuumadda iyo labada xisbi mucaarid, anaga ayaa maanta la kulanay, waxaanu ka wada hadlnay hawshii aanu ku jirnay ee dhex-dhexaadinta.

Waxaa kale oo aanu aad ugu mahad naqeynaa in ay naga aqbaleen go’aamadii aanu soo jeedinay, danta dalka ayaa wax walba ka weyn, danta dalka ayaanu halkan u joogney, ragga meesha jooga nin waliba hawshiisi ayuu ka yimid, markaa waxaan u mahad celineyna dawladda iyo xisbiyadda mucaaridka ah”

Leave a Reply