Turkey oo Maraykanka siisay digniin la xidhiidha Qubrus

0
535

Dawladda Turkiga ayaa ka digtay in tallaabo Maraykanka uu ka qaadayo cunaqabateyn hub oo sanado badan saaran dalka Qubrus ay noqon doonto “halis xaaladda sii xumeysa.”

Congress-ka Maraykanka ayaa Salaadadii u codeeyey in la soo afjaro xayiraadda saaran jasiiraddan oo loo soo rogay 1987-kii, si looga fogaado tartan dhinaca hubka ah.

Qubrus ayaa laba u kala qeybsaneyd tan iyo sanadii 1974-kii, markaasi oo Turkey ay qabsatay qeyb ka mid ah, iyada oo uga jawaabeysa afgambi uu ka dambeeyey taliskii militari ee Greece.

Go’aanka dawladda Maraykanka “ma yeelan doono natiijo aan ka ahayn inuu wiiqo dadaallada xasiloonida gobolka, iyo inuu abuuro halis halis darran” waxaa sidaas lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkey.

Tallaabada Maraykanka ayaa waxaa lagu ansixiyey iyada oo qeyb ka ah sharciga miisaaniyadda gaashaandhigga, oo ay ansixiyeen labada aqal ee congress-ka Maraykanka, islamarkaana la filayo in uu saxiixo madaxweyne Trump.

Xidhiidhka Ankara iyo Washington ayaa maraya heerkii ugu hooseeyey taariikhda.

Waxaa jira arrimo dhowr ah oo labada dal ay isku khilaafsan yihiin, waxaana ka mid taageerada Maraykanku siiyo maleeshiyada Kurdish-ka Syria, oo Turkey ay u aragto argagixiso, iyo soo iibsashada Ankara ee habka gantaallada difaaca Ruushka ee S-400.

 

Leave a Reply