Dabaaldegga Sanadka Shaydaanka!

0
568

Magaalada Berni ee caasimadda dalka Bulgaariya waxa lagu sameeyay caado dhaqameed ay qabtaan bulshadaasi bishan Janaweri ee bilowga sanadka cusub. Bulshadan ayaa aaminsan inay eryayaan shaydaanka bilowga sanadka , isla markaana ay doonayaan inay helaan caafimaad iyo nasiib wanaagsan sanadka bilaabmay ee cusub.

Dadka dabaaldegan ka qayb gelaya waxay xidhan yihiin dhar jubado ah oo midabo kala duwan ku xardhan yihiin, iyadoo midabadaasi gacanta lagu sameeyay.

Damaashaadkan ayaa dunida looga dalxiis yimaadda waxaana sanadkan ka soo qayb galaya dad tiradoodu lagu qiyaasay 1500 dalxiise oo dunida ka kala yimi. Iyadoo hadda ay socoto diyaar garowgiisa, isagoo dhacay bisha soo socta ee bilowga u ah sanadka cusub.

 

Dadka ka qeybgala damaashaadkan waxa kale oo ay xidhan yihiin madaxyo qaabka xayawaanka ah oo geesona leh, inta ay ku jiraan ee la daawanaya waxay samaynayaan qaylo iyo heeso dhaqameed iyaga u gaar ah. Inkasta oo ay sheegaan isla markaana aaminsan yihiin inay Shaydaanka ku eryayaan haddana waxa dad badani aaminsan yihiin inay ka mid tahay cibaadooyinka Shaydaanka.

 

 

Leave a Reply