Madaxweynaha Somaliland Gacanta Dawladda Ku Soo Celiyay Bixinta Buuga iyo Lanbarka Gaadiidka

0
548

“In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka”….

 

 

 

Hargaysa (Dawan): Wareegto uu shalay soo saaray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa uu ku shaaciyay La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka. Iyadoo bixinta buuga gaadiidka iyo bixinta lanbarka baabuurta ay hore gacanta ugu hayeen shirkaddo gaar loo leeyahay oo magacoodda la yidhaahdo Hodan Enterprise iyo GTS.

Waxaanu madaxweynuhu wareegtadiisa ku sheegay in isagoo raacaya muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

In uu go’aansaday in ay lagama maar-maan tahay in lagu soo celiyo gacanta dawladda, sidaas darteedna in la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

Wareegatdda Madaxweyne Biixi soo saaray waxay u dhignayd sidan:

“WAREEGTO MADAXWEYNE: 18/12/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-394/122019, ku soo saaray La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 14aad, faqraddiisa 1aad iyo Qodobka 54aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka;

Markaan Arkay: Xeerka Wada-marista Gaadiidka Xeer Lr. 56/2013;

Markaan Garwaaqsaday: In daryeelka iyo Hantida Guud ay tahay waajib saaran Xukuumadda, hantidaas oo haddii loo baahdo lagu wareejin karo oo keli ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: La soo noqoshada Hantida Dawladdu muhiimadda ay leedahay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);

Markaan dersay: Muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number);

Markaan Helay: Talo soo-jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo Tallo Bixinta Sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

2) In Xukuumaddu gebi ahaanba la soo noqotay maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Buugga Lahaan-shaha Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

3) In Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS ku maal-geliyeen Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number), iyaga oo dersaya qiimaha ay hadda suuqa ka marayaan marka ay cusub yihiin, isla markaana ka jaraya wixii duugaw ah (Depreciation).

4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.

5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.”

 

Leave a Reply