Gabadha ay nooleyd 6,000 oo sano ka hor maxaa lagu ogaaday?

0
910

Kan waa wejiga haweeney nooleyd 6,000 oo sano ka hor, oo degganayd Scandinavia oo hadda ah Waqooyiga Yurub.

Waxaa arrintaas lagu ogaaday wixii ay qaniintay ee ay ka tagtay gabadhaas oo ah “xanjadii ay ruugtay” oo ah nooc xilliyadii hore la cuni jiray, taas oo culimada Seyniska u fududeysay in ay soo helaan dhiiggeeda hide-sidaha, oo ay u adeegsadeen sameynta qaab-dhismeedka jirkeeda.

Waa markii ugu horeysay oo la sawiro sida uu u ekaan karay qof Aadame ah oo kumannaan sano ka hor noolaa, iyada oo aan la adeegsan lafaha iyo waxyaabo kale, ayey sheegeen cilmi-baadhayaasha.

Waxay u badan tahay in midabkeedu uu maariin ahaa, timaheedana ay bunni ahaayeen, indheheeduna ay buluug ahaayeen.

Dr Hannes Schroeder oo ka tirsan Jaamacadda Copenhagen wuxuu sheegay in “xanjada” – oo ay u badan tahay in ay tahay xabag ama daamur geed, waxay ahayd wax qiimo u leh dadkii hore oo lagana heli karo DNA-gooda, gaar xilliyada aan la heli karin wixii ka hadhay aamadihii noolaa taariikh hore.

“Waa arrin fiican in la helo hide-side dhameystiran oo bini-aadam ah oo wax kale laga helay oo aan ahayn lafo”, ayuu yidhi.

Maxaan ka garaneynaa gabadhan?

Dhammaan qaabka jirka haweeneydan ayaa dib loo sawiray, waxaana laga shaqeeyay sidii ay u ekeyd.

Waxay aad ugu badan tahay in ay ahayd ugaadhsato ku nooleyd Qaaradda yurub, wayna ka yara duwan tahay dadkii ku noolaa badhtamaha Scandinavia xilligaas, si la mid ah dadkaas, waxay lahayd midab maariin ah, timo bunni ah iyo indho buluug ah.

Waxaa suuragal ah in ay ka tirsanayd bulshadii ka guurtay Galbeedka Yurub ka dib markii barafka uu ka baaba’ay Waqooyiga qaaraddaas.

Siday ahayd noolosheedu?

Waxyaabo kale oo la baadhay oo DNA-ga ah waxaa lagu ogaday in ay ku nooleyd Syltholm ee ka tirsan Lolland – Jasiirad ku dhextaalla badda Baltic ee Denmark. Hide-sidaha waxaa laga ogaaday in ay cuni jireen shimbirta loo yaqaano xuur-baddeeda ama Boolanboolada hilibkeeda.

“Waa xilligii ugu fogaa ee lagu noola nawaaxiga Denmark, natiijada baadhitaanka taariikh-yahannadana waxaa lagu ogaday in dadkii ku noolaa halkaa ay si weyn ugu tiirsanaayeen duurjoogta, xilligii la ahaa ugaadhsatada, iyo xilligii ugu horeysay ee la billaabay beeraha iyo in xaywaannada lagu xanaaneysto guryaha ee Koonfurta Scandinavia,” ayuu yidhi said Theis Jensen oo ka tirsan Jaamacadda Copenhagen.

Cilmi-baadhayaasha waxay sidoo kale DNA ka heleen waxyaabo ku duubnaa “xanjada”. Waxay heleen cuduro sababa qandho iyo oof wareen, iyo sidoo kale caabuqyo iyo bakteeriya badan oo sida caadiga ah laga helo afka qofka Aadamaha ah, balse aan sababin xanuun.

Maxaan arrintan ka baraneynaa?

Cilmi-baadhayaasha waxay sheegayaan in macluumadkan laga fahmayo sidii ay dadkii hore u noolayeen, ogaanshaha sida awowyadeen ahaayeen iyo caafimaadka.

Dhiigga Hide-sidaha laga helay xanjada waxaa sidoo kale laga fahmayaan sida caabuqyada Aadamaha ay isu soo bedelayaan mudaddaas.

“Si loo helo noocyada cuduradii hore iyo qaabkii jirka Aadamaha uu ahaa, sida midkan, waa arrin cajiib ah sababta oo ah waxan baran karnaa siday isu soo bedeleen iyo sida ay uga bedelan yihiin dadka hadda,” ayuu BBC u sheegay Dr Schroeder.

“Taas waxaan ka fahmeynaa sida ay u fideen iyo sida ay isu bedeleen”.

Cilmi-baadhista waxaa lagu daabacay Wargeyska Nature Communications.

Leave a Reply