London: Munaasibad Soo Dhawayn ah Oo Loo Sameeyay Xildhibaan Mubaarig Bidhi

0
541

London (Dawan)- Munasibad balaadhan oo lagu maamuusayay laguna soo dhawaynayay xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaan Burco ayaa lagu qabtay magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Xildhibaan Bidhi, oo mudooyinkanba ku sugan dalka UK ayaa waxaa munaasibadaasi soo dhawaynta ah u sameeyay qurbe joogta reer Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaana magaaladda London.

Waxaanay jaaliyadu ku tilmaameen sababta ay xafladda ugu sameeyeen xildhibaan Bidhi in ay tahay isagoo ah xildhibaanka ugu fir-fircoon golaha degaanka Burco, isla markaana si weyn uga dhex muuqda mashaariicda horumarinta ee gobolka Togdheer.

Munaasibadaasi loo sameeyay xildhibaan Bidhi, waxaa ka soo qayb galay wakiiladda iyo masuuliyiinta saddexda xisbi siyaasadeed ee Somaliland ee UCID, Waddani iyo Kulmiye ee dalka Ingiriiska.

Guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee dalka UK, guddoomiyaha ururka Kubbadd ii iibi Maxamed Badhasaab, guddoomiyaha jaaliyadda Bariga London, fanaaniin caan ah oo ay ka mid ahaayeen Nuur Daalacay, Nimco Yaasiin Caraale, Aniisa Darmaan iyo qaar kale.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo hadal ka jeediyay xafladaasi lagu soo dhawaynayay ayaa ku bogaadiyay jaaliyadda reer Somaliland sida wanaagsan ee ay isugu duuban yihiin, isla markaana danta guud ee dalka meel uga soo wada jeedaan.

Waxaanu xildhibaan Bidhi, ka hadlay xaaladda gobolka Togdheer gaar ahaana magaaladda Burco oo uu sheegay in dhibaato weyni ay magaaladaasi ka haysato dhaqaalihii ay xaqa u lahayd ee cashuurta xoolaha in xukuumadii madaxweyne Cigaal ay ka wareejisay iyadoo ilaa hadda ay sidii uga maqan tahay.

Sidaas darteedna ay arrintaasi dhabar-jab ku tahay dhaqaalaha magaaladda Burco oo aanu dhaqaalaheedu kardhaynin ilaa dhaqaalahaasi hore looga wareejiyay dib loogu soo celiyo.

Isagoo xusay in arrintaasi isaga iyo maayarka Burco ee hadda joogaa ay kala hadleen golaha Wakiiladda Somaliland, balse aan weli arrintaasi wax tallaabo ah laga qaadin.

Sidoo kale xildhibaan Bidhi, ayaa u mahad celiyay xubnihii xafladda soo abaabulay iyo jaaliyadaba. Waxaanu yidhi,

“ALLE SWT ayay mahad oo dhami u sugnaatay. Waxaan u mahad naqayaa dhamaantiin intiina soo dhawaynta qiimaha badan ii samaysay, intiina I soo sharaftay, ALLE SWT ha idin sharfo. ALLE ha idin jeclaado. Waaxan u arkaa soo dhawayntan aan loo kala hadhin, iyadoo saddexda xisbi qaran UCID, Kulmiye iyo Waddani.

Si gaara hablaha qiimaha badan ee xafladan qiimaha badan soo agaasimay, ee i sharfay gaar ahaan Muuna Maxamuud Birre iyo Saynab Cali Xabeeb iyo Muuna Cawaale”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Mar labaad dhamaantiin waad mahadsan tihin. ALLE ha idin sharfo, anigu-na jacayl iyo ixtiraam ayaan idiin hayaa.

Waxaan u arka soo dhawayntiinan jacayl aad u qabtaan gobolka Togdheer iyo dalkeena Somaliland iyo in aad aniga i leedihiin u shaqee gobolkaagii iyo dalkaaga Somaliland.

Waxaanan idiin balan qadayaa in aan qaato talooyinkiina, kuna shaqeeyo insha ALLAAH” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Geesta kale xildhibaan Bidhi waxa uu ka hadlay garoonka diyaaradaha magaaladda Burco oo muddo dheer xidhan, iyadoo ay arrinta madaarka Burco madaxweynaha Somaliland kala hadleen, isla markaana uu u balan qaaday in dib loo furayo garoonka diyaaradaha Burco.

Dhinaca kale masuuliyiintii kala duwanaa ee munaasibadaasi ka hadlay ayaa xildhibaanka ku amaanay sida weyn ee uu uga dhex muuqdo hawlaha shaqo ee dalka Somaliland gaar ahaana kuwa gobolka Togdheer.

 

Leave a Reply