Maxkamadda Gobalka Maroodijeex oo Burburisay 886 Litir oo Khamri ah

0
569

“Ciidamada Boolisku waxay Khamri kala duwan ku qabteen magaalooyinka Laaascaanood, Wajaale, Gabilay iyo Burco”.

 

 

 

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Maxkamadda Gobalka Maroodijeex ayaa shalay burbursay 886 litir oo Khamriya oo Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ku soo qabteen afar qof oo dalka soo galinayay oo la xukumay.

Maxkamadda Gobalka Maroodijeex ayaa waxa ay ku xukuntay afar sanno oo xadhig ciqaabeed ah dadkii Khamrigaa lagu soo qabtay iyo Shan Milyan oo ganaax maaliyadeed ah, waxa kale Maxkamaddu Ganaaxday gaadhigii khamrigaas siday.

Taliyaha Qaybta Bariga Magaalada Hargaysa ee Ciidamada Booliska Gaashaanle sarre Cabdi Cali Xayd ayaa waxa uu sheegay in khamrigani lagu soo Shubay Caagadaha Mooyo saxada ahy ee Biyaha lagu cabo. Waxaana uu yidhi “Waxa aanu halkan ku burburinay Maandooriyaha Khamriga, kaas oo ay tiradiisu tahay 886 litir oo Khamriya, kaas oo ka soo gudbay xadka aynu la wadaagno dalka Itoobiya, waxaana lagu soo Shubay Khamrigaa Caagadaha Mooyo saxda ee Biyaha lagu cabo. Waxa kale oo Khamrigaa lagu soo shubay Caagado, waxaana la doonayay in lagu fasahaadiyo ama lagu baabiiyo Ummadda Islaamka ah ee Somaliland. Waxaannu uga digaynaa Shacabka in ay ka waantoobaan ka Ganacsiga Khamriga”.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ahna Taliyaha Ciidamada Dambi Baadhista Gaashaanle sarre Faysal Xiis ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland uu amar ka soo saaray in lala dagaalamo Mukhaadaraadka. waxaana uu yidhi “Anaga oo fulinayna amarka Taliyaha Ciidanka Booliska oo awaamiir adag ka soo saaray in lala Dagaalamo Mukhaadaraadka, haday tahay Khamriga iyo hadday tahay Xashiishad, waxa ay ciidamada Boolisku khamri kala duwan ku qabteen magaalooyinka Laaascaanood, Wajaale, Gabilay iyo Burco”.

Sidoo kale Guddoomiyaha maxkamadda Gobalka Maroodijeex Cabdi Qawdhan Cabdi ayaa waxa uu sheegay in uu aafo Qaran yahay Mukhaadaraadka Khamrigu, waxaana uu yidhi “Waayo-aragnimada iyo Shaqada aanu haynaa waxa ay na bartay Dambiyada dhaca ee Tuugadu ugu horrayso illaa dadka dilka geysta boqolkiiba sagaashan in ay yihiin dadka Daroogada isticmaala, waana waxa keenaya sababahaa iyo fawaaxishkaa waana aafo Qaran.”

 

 

 

Leave a Reply