Sharciga Hala Waafajiyo

0
63

Saddexda xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaciyay inay aqbaleen go’aan ay soo jeediyeen guddi is xil-qaantay oo ka hawl gashay xal u hellida khilaaf ka dhashay geedi socodka diyaargarowga doorashooyinka.

Guddiga soo jeedintoodda la aqbalay waxaa ay ku taliyeen in la kala diro Komishanka doorashooyinka ee cusub, kuwii hore ee mucaaradku diidayna la soo celiyo, sidoo kale, waxaa ay ku taliyeen in la illaaliyo hay’adaha sharciga ah.

Arrintan dad badan ayaa ka hadlay judhiibba, tusaalle ahaan Siyaasiga Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ka hor aqbalaadda xisbiyadda arragtidiisa ka dhiibtay ayaa yidhi, “Waa erey khuseeya Ergada hadidi arrin loo diro ood kalsooni dhiibto go’aankay soo saaran diidmo iyo Durid ama dhaleecayn midna ma leh.

Waxaan arkaa intii qiimo iyo qadarin aan ku ogaa oo talo soo jeediyay, talo aanay cidna ugu danaynayn sida muuqata ama aan qabo. Taladaas waxay tahay marag waa madal.

Waa marag oo Komishankii shalay wax laga sheegay ama murankuba ka bilowday iyo intii lahayd Waar ka daaya waa u marag. Waa madal oo intii arrin diin iyo waayeelnimo iyo arrinba loo tuhmaayayay ayaa talisoo waa madal ka diida markhaatigeeda yeelan doonta wixii danbe.”

Sidaas oo kale, waxaa ka hadlay Garyaqaan Xassan Faarax Maxamed, waxaana uu yidhi. “Guddidu marka ay hawsheedu dhex-dhexaadin tahay, arrintoodu waa isku jiid-jiidka dhinacyada, mase laha go’aan ka gaadhida arrimaha dhinacyadu isku hayaan. Muhiimadoodu waa in dhibta laga hortago dhinacyadana lagu qanciyo maslaxadu halka ay ku jirto, kuna qanciyaan in la isku tanaasulo, dhinacyada ayay u taalaa in ay arrintooda xal ka gaadhaan.

Waxa xusid mudan, oo ka duwan dhex-dhexaadinta Guddi Xeer-beegti, “Arbitration Committee” oo dhinacyada ka hela kalsooni qoraal ah, guddidaas Xeer-beegti oo labada dhinac isku dhagaysta, cadaymahoodana darsa, sida maxkamada oo kale, sidaa darteed, marka ay dhinacyada iyo khilaafka ka bogtaan, go’aan lagu kala baxo soo saara.

Guddida dhex-dhexaadintu arrimaha ay soo jeediyeen midna maaha wax ay awood sharci u leeyihiin. Masiibadu waxa ay tahay marka hay’adihii dalka ee dhisnaa aynaan awood siin kuna kalsoonaan in ay xallin karaan muranada sharci ee dalka ka dhasha oo aynaan jirabin, waxa ay keenaysaa in kolba guddi iskeed isku xil-qaantay wax awoodooda ka baxsan ay soo saaraan.”

Si kastaba ha ahaatee, Sharcigu wuxuu ilaaliyaa xorriyadda, sidaas oo kale xorriyaddu waa gaadhka kala dambeynta. Waxaa khatar ku jira mar kasta oo si toos ah loo weeraraa hay’adaheennii awalba itaalka darnaa ee magac iyo xeer ahaanta uun u jiray, haddii uu yahay Golaha Guurtida, Wakiillada, Komishanka Doorashooyinka, Maxkamadda Sarre iyo dhamaan laamihii dawladda ee ay ahayd in iyagga iyo go’aamaddoodaba la xaqdhowro.

In la iska indha-tiro go’aammada ay soo saareen oo toos loo baalmarro nidaamka, mar kasta oo khilaaf dhaco, waxaa ay muujinaysaa dib u dhac. Waxaa ay dhaawac ka xun kan la doonayo in la xalliyo gaadh siinaysaa nidaamkeenna oo dhan. Sidaas darteed, iyaddoo qallinku qaddarin u hayo Guddiga is xilqaantay ee la wadda qaatay, waxaa uu ku talinayaa in sida qudhooddu soo jeediyeen ee ku cad qodobka saddexaad ee go’aankoodda waa in lagu dhaqmo sharciga oo la ayido hay’adaha u xil-saaran, islamarkaana go’aamaddan dhex-dhexaadinta ah laftoodda la waafajiyo Xeerarka dalka iyo shuruucda Qaranka oo la’aantood aanay waxba jirayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here