Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo Soo Dhaweeyay Warsaxaafadeed Si Weyn Loogu Ammaanay Amniga iyo Horumarka Somaliland

0
497

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa soo dhaweeyay warsaxaafadeed uu soo saaray ururka dhalinyarada Baarlamaanka Africa, kaas oo si weyn loogu ammaanay nabadgelyada, horumarka iyo taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

Warsaxaafadeedkan oo soo baxay 17-kii bishan December ayaa la xidhiidhay safar ay dhawaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku yimaadeen wefti ka socda ururka Baarlamaanka dhalinyarada Africa oo uu hoggaaminayay wakiilka Somaliland u fadhiya ururkaasi Cabdirisaaq Yuusuf Danaakil. Waxaana warsaxaafadeedkaasi lagu iftiimiyay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dalka gaarkiisa u taagan oo leh xuduudo sugan iyo dhamaan wixii looga baahnaa dawlad madax bannaan.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Runtii maanta waxa ay daarrantahay warbixinteenani in aanu u mahad celiyo ururka baarlamaanka dhalinyarada Africa oo madaxweynaheenu ku marti qaaday in ay dalka yimaadaan. Imaanshahaasi ay dalka yimaadeen wasaaraddu waxay u samaysay bandhig sharciyeed oo ay kaga waramayso taariikhda Somaliland, sooyaalkeeda, halka ay marayso iyo sida ay u kala duwan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya siffo sharci ah, shalayna intiinii la socotay aad ku aragteen warbaahinta iyo wararka caalamiga ah in ay la wadaageen warbixin waafiya oo ay ka bixiyeen Somaliland iyo wixii ay ku soo arkeen.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Sidoo kale waxa ay sameeyeen xaflad aad u ballaadhan oo ay ka soo qayb galeen aqoonyahanka iyo waxgaradka dalka Kamaruun iyo martidii la joogtayba oo ay ku soo bandhigeen Somaliland iyo warbixinteeda.

Sidoo kale waxa ay ka soo saareen warbixin aad iyo aad u waafiya dalka Nayjeeriya. Runtii waxa aanu isla garanay in ay xafiis ka furtaan halkan oo ay ku yeeshaan xafiis ay wasaaraddu wakiil uga tahay.”

Ugu dambayn guddoomiye ku xigeenka ururka Baarlamaanka Africa ayaa kadib markii uu dalkiisa ku laabtay waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dalka ay wax badan ka baran karaan dalalka Afrika, sida warka qoraalka ah ee uu soo saaray ururkaasi oo lagu soo gabagabeeyay in madaxbannaanida Somaliland ay tixgeliyaan ururka midawga Africa, urur goboleedka IGAD iyo ururrada kale ee Afrika.

 

Leave a Reply