Qurxudii Macmalka Ahayd!

0
522

Badhtamaha caasimadda Philipin ee Manila xarun aan sharci ahayn oo la isku qurxiyo isla markaana aan ka haysan liisan caafimaad dawladda ayay ku dhimatay gabadh u dhalatay dalka Ingriiska.  Gabadhan oo wejiga lagaga samaynayay qaliin is qurxin ayaa dhimatay markii la suuxiyay, taasi oo ay ku gashay shoog.

Gabadhan oo da’adeedu ahayd 24 sano ayaa joojisay neefsashada ka dib markii uu suuxiyay ninkii qalinkii ku samaynayay, kaasi oo aan u haysan rukhsad inuu sameeyo camaliyad noocan ah.

Ciidanka booliiska aya cadeeyay in gabadhan bishii hore goob kale loogu sameeyay qaliin is qurxin ah laakiin aanay ku qancin ayna rabtay in xaruntani u dhamaystirto sida ay doonaysay.

Booliiska ayaan sheegin magaca gabadh dhimatay waxayse sheegeen inay xidheen dhakhtarkii iyo dadkii la shaqayanayay, isla markaana ay  albaabada u laabeen xaruntan oo aan haysan rukhsad ay shaqadan ku qabto.

Leave a Reply