Sameecad Labaad Oo Qofka U Sahlaysa Inuu Luuqadaha Kale Fahmo Oo Lasoo Saaray

0
595

Adduunkan aynu ku noolahay ee balaadhan waxa ku nool 8 Milyaar oo qof, kuwaas oo ay kala duwan tahay dhalashadooda iyo meelaha ay kasoo kala jeedaan, kuwaas oo ay sidoo kale kala duwan yihiin Dhaqanadooda, qaababkooda iyo Luuqadohooduba, waxaana caalamka lagaga hadlaa maanta 6500 oo luuqadood, kuwaas oo aad u kala duwan , iyada oo luuqad waliba ay lee dahay taariikhdeeda gaarka ah iyo kacaankeeda gaarka ah , sidoo kalena waxa intaas u dheer maraaxilkii horumar ee ay soo martay.

Luuqadaha Shiinaha,Isbaanishka iyo Ingiriisida ayaa noqday luuqadaha ugu faafi og caalamkan aynu ku noolahay dacaladiisa, iyada oo luuqada Carabidu ay timid kaalinta shanaad ee luuqadahaas, iyada oo ay luuqaddaha caalamka lagaga hadlaa ay sidaas u kala duwan yihiin ayay khubarrada kala duwan ee Luuqaduhu dedaal u galeen in lays fahmo, xataa haddii lagu soo koobaayo laba ama saddex luuqadood oo caalami laga dhigo, si ay isu fahmaan dadka luuqadahan kala duwan ku wada hadlaa, waxa lagama maarmaan noqotay in Technology-gu ay kaalinta is fahansiinta soo gasho, madaama oo ay aad u kala fog yihiin dadka caalamka ku nool iyo masaafooyinka ay isu jiraan, iyada oo maskax lagu daraayo.

Shirkadda Weblilaabis ayaa soo saartay Sameecaddo noocoodu cusub yahay oo loogu talo galay in ay turjumaan luuqadaha kala duwan ee caalamka lagaga hadlo intooda badan, kuwaas oo u sahlaaya in ay dadkaasi ku turjuntaan luuqadeeda luuqadaha kale ee caalamiga ah,tusaale ahaana Ingiriisida ayuu awood u lee yahay in uu Faransiis ugu bedelo qofka aan fahmayn.

Labada qof ee aan is fahmayn ayay sidoo kale u fududaynaysaa in ay u kala turjunto, iyada oo Bluetooth ahaan loogu xidhiidhinaayo sameecadan taleefanka gacanta, waxaanu qofku awood u lee yahay in uu doorto luuqada uu ku hadlaayo iyo luuqada kale ee uu doonaayo in loo turjumo, waxa ay sidoo kale awood u lee dahay Sameecadani in ay soo qabsato luuqada qofka kale ku hadlaayo oo ay sidoo kale si fudud u turjumayso, iyada oo la adeegsanaayo Taleefanka gacanta.

Waxa hore loogu baahan jiray waqtiyada safarada la baxaayo in loo kala turjumo dadka kala duwan ee daafaha adduunka ka kala imanaaya, kuwaas oo kharash badani ku bixi jiray , waxa dadka qaarkood sidoo kale qaadan jireen buuggaag ay u isticmaalaan turjumaada luuqadahan, waxaana sameecadan la socda qalab kale oo lagu magacaabo CM Translater, kaas oo loogu talo galay dadka safarada baxa in uu u kala turjumo.

Qalabkan ayaa laba siyaabood loo isticmaali karaa, kuwaas oo kala ah in lagu xidhiidhiyo taleefanka gacanta iyo in codka lagu duubo sida Rikoodhada oo kale, waxaana qof waliba ku duubayaa codkiisa iyo luuqadiisa, isaga oo ka kalena dhegaysanaaya, sidaas ayaana laysku fahmayaa, iyada oo uu qalabkani fududeeyey waxyaalo badan oo dhinaca socdaalka ah, gaar ahaana safarka dadka aan isku luuqada ahayn .

Qalabkan yar ee CM Translator ayaa awood u leh in uu turjumo shan luuqadood oo kala duwan, kuwaas oo kala ah, iyada oo doonaysa shirkadda samaysay in ay kordhiso luuqadaha kala duwan ee ay isu turjumayso , waxa sidoo kale waqti dheer shaqayn kara Baytariyga qalabkan yar ku jira oo shaqaynaaya 180 cisho , iyada oo aanu shaqada joojinayn, kuwaas oo luqadahaas isu turjumaayo.

Qalabyadan yar yar ayaa awood u siinaaya dadka inay is fahmaan ayaa ah mid u sahlay dad badan in ay socdaalo ku tagaan wadamo kala duwan, sidoo kale dad badan oo aan is fahmay ama aan isku luuqad ahayn ayay iyagana u fududaysay inay socdaalo dhaadheer galaan, iyaga oo aan wax buugaag ah oo luuqadaha ah sidan.

Leave a Reply