Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Shaqaalaha ku Guubaabiyey inay ka Midho Dhaliyaan Waajibaadka ay Qaranka u Hayaan

0
529

 

“Waa in aynu wada shaqaynaa oo aynu noqonno dad ay mideysay shaqadda qaranku”… Wasiirka warfaafinta

 

 

 

Hargaysa (Dawan): Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in la xoojin doono doorka wacyigelinta iyo toosinta Bulshada.

Waxaanu faray waaxda dhaqan ee wasaaradda iyo wariye-yaasha in ay kaalinta muuqata ka qaataan sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa Barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo midnimada iyo isku haynta Shacabka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Saleebaan Yuusuf Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay shir ay shalay la yeeshee isagoo ay wehelinayaan Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda shir la yeeshay shaqaale waynaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta.

Shirkaas ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa guud ahaa shaqada wasaaradda, isla markaana loo horumarin lahaa qaybaha kala duwan ee waaxyaha wasaaradaasi.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Saleebaan Cali Koore, oo madashaasi hadal dheer ka soo jeediyey ayaa sheegay in Wasaaradani ay qaranka ugu xilsaaran tahay inay Wacyigeliso, inay Wax barto iyo inay Kaalin mug leh ka qaadato Xoojinta nabadgalyada dalka.

Wasiirku waxa uu shaqaalaha u jeediyay in ay laban labaan hawlaha shaqo ee ay qaranka uga mas’uulka yihiin. Isagoo tilmaamay in lagula xisaabtami doono qof kasta oo shaqaalaha kamid ah kaalinta shaqo ee uu ku aaddan yahay isla markaana ay mudnaanta shaqaaluhu ku xidhnaan doonto hadba dadaalka shaqo ee ay muujiyaan.

Waxaanu intaas raaciyay in madaxweyne Muuse Biixi uu balan qaaday in si dhakhso ah loo keenayo idaacad weyn oo qaranku leeyahay. Waxaanu yidhi, “Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in la keenno idaacad cusub. Waa in aynu wada shaqaynaa, oo aynu noqonaa dad ay midaysay shaqadda qaranku.

Waxaan is leeyahay horta muxuu qaranku ka doonayaa wasaaradani? wasaaradan waxaa la yidhaahdaa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta. Xaraf kastaa sidiisa ayuu u taagan yahay. Xaraf kastaana wuxuu rabaa in sidiisa loogu shaqeeyo”.

“Wasaaradan waxay xukuumadu ka rabtaa in ay qaranka jihayso, in ay wax barto, in ay dhaqankii ummada reer Somaliland lahayd hogaamiso, in ay ummada wacyigeliso, in ay amniga qaranka ka shaqayso, in ay dadka wax barto, ayaa laga rabaa.

In ay dacaayadaha dadka wax ma garatadda ah ee gudaha dalka jooga, iyo cadwoga dibadda in ay labadaba ka hor tagto, ayaad u abuuran tihiin. Haddii aan la ilaalin hantidda ummada, saacadda loo shaqaynayo ummada, waxaan noqonaynaa qof qayrul-masuul ah.

Markaa wixii ummadu lahayd waan daayacay. Qofkii dhib u gaysta saacadaha shaqadda, hantidda, qalabka, waanu isku imanaynaa” ayuu yidhi wasiir Koore.

Geesta kale wasiirku waxaa uu sheegay inuu kulamo gaar ah la yeelan doono waaxyaha kala duwan wasaaradda warfaafinta, isla markaana waaxyaha looga baahan yahay inay la yimaadaan qorsheyaasha ay ku hawl galayaan iyo soo gudbinta baahiyahooda.

Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waax kasta si gaara ayaan ula shiri doonaa, wax kasta waxaanu u samayn doonaa qorshe aan ku wada shaqayno. Waxaan leeyahay, wasaaradu kama duwana wasaarradaha dalka”.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdi-naasir Cumar Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa ka warbixiyay hawl qabadkii u hirgalay tan iyo markii loo soo magacaabay Wasaaraddan.

Iyagoo xusay inay dayactir iyo qalabayn dhamaystiran ku sameeyeen Waaxyo ka tirsan Wasaaradda iyo Xarumaha Gobolada dalka qaarkood.

Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud waxaa kale oo ay sheegeen in Shaqaale-weynaha ka hawl gala Wasaaradani ay yihiin shaqaale hawl kar ah oo u heelan horumarinta qarankooda.

 

Leave a Reply