Ciyaartooy Kenyan Ah oo Hargeysa Lagu soo Dhaweeyay

0
460

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Garoonka ay diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa waxaa lagu soo dhaweeyay koox ka mid ah , naadiyadda heerka koowaad ee dalka Kenya, kuwaas oo ciyaaro saaxiibtinimo la ciyaari doona laba kooxood oo ka kala dhisan magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame.

Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay, wasiirka wasaaradda ciyaaraha, wasiirku xigeenka arrimaha dibedda, badhasaabku xigeenka gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiin kale.

Dhalinyaraddan ciyaartooyda ah ee ka socday dalka Kenya waxaa hogaaminayey safiir ku xigeenka Somaliland ee dalka Kenya mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geele.

Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha mudane Boos Mire Maxamed oo ka hadlay munaasibad soo dhaweyn aheyd oo ciyaartoyga lagu qaabilay loo qabtay ayaa yidhi “Waxaa aanu iclaamineyna oo aanu u sheegayna dhalinyaradda jooga Hargeysa ama iman doonta ama magaalada Boorama ku sugan inay ciyaaraha si wanaagsan oo mugle uga soo qayb gallaan.

Galabta waxaa ay ku aalamiiteyn (Tababaran doonaan) garoonka kubadda gacanta ee Hargeysa Stadion iyaga iyo kooxda kale ee la ciyaari doonta, ciyaartuse waxaa ay dhiciberri(maanta) hadii ILLAAHEY yidhaahdo oo Hargeysa ka dhici doonta Axadda waxaa ay ka dhici doonta magaalada Boorama hadii ILLAAHEY yidhaaho, waana in sidaas aad ugu sii wada diyaar garowdaan, bulshada reer Somalilandna waxaa aan u sheegaya in marka horumarku sidaasi oo kale u yimaado ay soo dhaweeyaan”

Leave a Reply