Dugsiyada Dalka Masar Oo Albaabada Laysugu Dhuftay ,Xanuun Dalkas Lagu Arkay Dartii

0
434

Dugsiyada dalka Masar ee kala duwan ayaa la xidhay kadib markii uu dalkaasi ka dilaacay Xanuun sannadihii ugu dambeeyey lagu arkaayey meelo kamid ah qaaradda Aasiya , gaar ahaana Barriga Aasiya.

Dugsiyga British International School oo ku yaalla magaaladda Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa noqday dugsigii ugu horeeyey ee waalidiinta ardayda dhigata Email-lo u dira, isaga oo ku wargelinaaya in ay dugsigaasi fasaxeen , iyada oo lagu soo noqon doono dugsigaasi 12 January ee sannadka fooda inagu soo haya, waxaana dugsigan loo fasaxay si looga hortago Hargabka Shimbiraha ee H1N1 oo dalkaas lagu arkay.

Waalidiinta Ardayda dhigata dugsigan oo la hadlaayey wargeyska Egypt Today ee dalkasi kasoo baxa oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xitay ayaa sheegay in la filaayey in dugsigaasi  dhowaan la furo , laakiin ay maamulka dugsigu ku wargeliyeen in ay dib u dhigeen waqtigii la furi lahaa dugsigaasi, kadib markii dalkaasi lagu arkay xaalad cusub oo ah Hargabka Shimibraha  oo dalkaas ka dilaacay.

Maamulka Dugsigani waxa uu ku sheegay qoraalka uu waalidka u diray in ay nadiifinayaan, sidoo kalena ay buufinayaa fasalada uu dugsigaasi ka kooban yahay, si ay ka hortag iyo taxadir uga sameeyaan xanuunkaasi, waxaanay kula taliyeen in ardaydu marka ay soo noqoto loo soo xidho Golofosyada Gacmaha la gashado , si ay gacmahoodu nadiif u noqdaan.

Qofkii lagu xaaladan ayaa la sheegay in waqtigan la daweynaayo, iyada oo lagu hayo guriga uu magaalada Qaahira ka degan yahay.

Leave a Reply