Iska Bixi Daynta Dunida!

0
448

La yaabka wakhtiga ayay ka mid tahay inuu soo gaabanayo marka dayn muddaysan laga doonayo,  soona degdegyo marka ay jirto maalin aad ka baqanayso,  isagoo haddana wakhtigu kugu dheeraanaya markaad murugoonayso oo habeenku kugu fidayo,

Wakhtiga farxaddana wuu soo gaabanaya.  Haddaba ku qor derbiyada wakhtiga adigoo isticmaalaya tamaashiir ama qalin arrin aan masaxmin oo taarikhada wax ka bedesha laguna xusuusto ka dib dhimashaadada, noloshuna waa fariin cad xikmadauna waa  “ Ogow qofka wanaagasani waa kan ku soo kordhiyay dunida wax ka badan waxa uu ka qaatay”  “ A gentleman is one who puts more into the world than he takes out”. Hana noqon mid isagoo caalamku dayn ku leeyahay ka tegay, oo buugaagtii magaciisa lagu wada bedelay “ Taasi waa dayn xumaatay”. Wax tar dadka iyo dalka si boqolaal qof ku xusuustaan inaad dunida dhaxal kaga tegay, oo aanad ahayn daynsane.

 

 

Leave a Reply