Wasaaradda howlaha guud oo ka bilowday Gobolka Saaxil Dakhli soo-saarka Guryaha Dawladda

0
528

Qore: Saleban Cabdi Cali Kalshaale

Berbera(Dawan)- Wasaaradda howlaha guud, Dhulka iyo guryeynta, ayaa gobolka Saaxil ka hirgelisay mashaariic kala duwan dhismeyaal iyo dayac-tir guryo dawladdeeda isugu jira, waxaanay sidoo kale sanadkan bilaabaysaa dakhli soo xeraynta kirooyinka guryaha dawladda, sida uu wargeyska Dawan u sheegay isuduwaha wasaaraddaasi ee Gobolka Saaxil Mursal Cabdilaahi Ismaaciil.

Isuduwe Mursal oo u waramay Wariye Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale), safar shaqo ku tegay Magaalada Berbera, ayaa faahfaahin ka bixiyey howlaha ay Wasaaraddu xilligan ka wado gobolka, kuwa u qabsoomay ee ay fulisay iyo mashaariicda qorshaha ugu jira.

“Wasaaradda howlaha guud, dhulka iyo guriyeyntu waxay qaranka uga masuul tahay, dhamaan hantida ma guurtada ah; sida ilaalinta iyo qorsheynta dhulka danta guud, nashqadaynta magaallooyinka iyo ilaalinta, ansixinta, kormeerka, Diwaan-gelinta iyo ka warhaynta dhamaan dhismeyaasha Qaranka.

waxyaabaha noo qabsoomay waxa kamida, diwaan-gelinta hantida ma guurtada ah ee Gobolka Saaxil, diwaan-gelinta guryaha dawladda ee gobolka, ilaalinta dhulka danta guud, sida dhulka banaan, dhulka loo qorsheeyey danaha guud, iyo dhulkii shacabka la odhan jiray ee magaalada ku yaallay, waxa kale oo aanu ilaalin joogto ah iyo ka war hayn ku samaynaa dhamaan dhismeyaasha qaranka ee Gobolka Saaxil.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi ku daray Isuduwuhu, “Shaqooyinka iminka aanu gacanta ku hayno iyagana waxa kamida;- dakhli soo xeraynta dhamaan guryaha dawladda, meheradaha dawladda, bakhaarada dawladda, kuwaasoo aanu sanadkan cusub ku soo rognay kirada.

Mashaariicda dhanka dhismeyaasha waxa kamida, Jeelka mijo-caseeye oo carruurta loogu talogalay in lagu dhaqan-celiyo waxna lagu baro, Dekedda Kalluumaysiga oo aanu u dhisayno kalluumaysatada, kaasoo ay la wareegayso Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumasigu”ayuu yidhi.

Mursal Cabdilaahi isagoo ka waramaya dhismeyaasha kale ee howshoodu socoto waxa uu sheegay “dhinaca dhismeyaasha waxa kale oo kamida Shaybaadhka iyo guryaha martida oo aan u dhisayno Hay’adda Ilaalinta Tayadda, Jeelka weyn ee Mandheera, waxa kale oo aanu dayactir ku samaynay lix Dugsi oo ku yaalla Gobolka Saaxil, waxaanu diyaarinay laba Bakhaar oo aanu ku wareejinayno Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka iyo ka hortaga aafooyinka dabeeciga ah, bakhaaradaasoo ah kuwii dawladda oo aanu ka wareejinay dad shacab ah”.

Dugsiyada Wasaaraddu dayactirka ku samaysay waxa kamida dugsiga sare ee Bursade, Dugsiga Abdaal, Cabdisalaan iyo dugsiyo kale oo ku yaalla Gobolka Saaxil.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply